|

Jabuuti oo taageertay sii joogida ATMIS ee Soomaaliya

Jabuuti October 03, 2023 (QJ) – -Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa taageero xooggan u muujiyay dib u dhigista ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Soomaaliya ayaa bishii September si rasmi ah u codsatay in waqtiga loo kordhiyo ciidamada ATMIS ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo tobankii sano ee la soo dhaafay si firfircoon uga qayb qaatay dadaallada nabad ilaalinta ee dalka.

Daneeyayaasha ayaa horay isugu raacay in ciidamada ATMIS ay ka baxaan Soomaaliya marka la gaaro bisha December 2024-ka.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka TRT World ayaa sheegay in haddii ciidamada ATMIS ay isaga baxaan Soomaaliya, iyadoo aan la qorsheynin qorshe sax ah, ay taasi horseedi karto in amni darro la mid ah dhacdadii Afgaanistaan ka dhacday.

Horay ayay Jabuuti iyo Kenya walaac uga muujiyay ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya, sheegayna in ciidamo ka kala socda labadaa dal la geyn doono si loo sugo nabada Soomaaliya.

Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay bixitaanka ciidamada AMISOM, isagoo ku nuux-nuux saday inuu yahay go’aan si weyn looga fiirsaday, isagoo soo jeediyay in Al-Shabaab ay ka faa’ideystaan habacsanaanta amni ee ka jirta goobihii ay baneeyeen ciidamada ATMIS-ta.

Ka dib markii qaar ka mid ah ciidamada ATMIS-ka ay isaga baxeen deegaano gaar ah, ayaa waxaa loo ogolaaday Shabaab inay dib ula wareegaan deegaanadaasi, taasi oo keentay qalalaase xoogan.

Comments are closed