|

Jabuuti oo Mareykanka gacanta u gelisay Mahdi Xashi iyo laba inan oo kale

Jabuuti Jan 04 2013(SDN)-Waxa dhawaan ay dawlada Jabuuti dalkeeda ku qabatay oo Mareykanka sadex ruux oo Soomaali ah oo ku sii jeeday qaarada Yurub.

Sadedan ruux oo uu ka mid ahaa Mahdi Xaashi oo qoyskiisu mudo baadi goobayeen iyo laba ruux oo kale oo Sweden dhalashadeeda heysta ayaa Mareykanka gacanta loo geliyay.

Sidaana waxa ay soo bacday ka dib kolkii mar uun la arkay tiyoo ragan lagu maxkamadeynayo magaalada New York.

Mareykanka ayaa ragan ku eedeeyay in ay taageeraan kooxda Al Shabaab.

Jariidada Washington post oo xogtan wax ka qortay ayaa xukuumada Madaxweyne Barack Obama ku eedeysay in ay kordhisay qabqabashada dadka lagu eedeeyo in ay taageeraan argegixisada.

Madaxweynaha ayaa hore tabaha noocna u eedeyn jiray sheegina jiray in uu joojin doono.

SDN-Washington

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed