Jabuuti oo la isku hayo cida buuxuneysa xilka wasiirka Boostaha iyo Isgaarsiinta Somaliland,maxay tahay sababtuse?
Jabuuti Mar 19,2012(SDN)-Madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan xilkii ka qaaday wasiirka wasaarada Bootaha iyo isgaadhsiinta isla markaana aan cid kale u magacaabin.
Hadal heynta ugu badan ee ka socota haatan Jabuuti iyo Somalilandba waxa ay tahay cida xilkaa qaban doonta.
Sababtuna waxa ay tahay iyada oo ganacsato ku xidhan madaxtooyada Jabuuti damacsan tahay in ay kooto ku qabsato Isgaarsiinta dalkaasi.
Jabuuti waxa ka socday maalmihii u danbeeyay daabacashada CVga raga hungurigu ka hayo xilkaasi.
Ganacsato metesha Jabuuti ayaa indhawaalaba u xuubsiibtay ka ganacsiga suuqyada kala duwan ee Somaliland.
ShirkadaSomcable oo Ganacsade reer Jabuuti ah uu leeyahay ayay xukuumada Somaliland Kooto aan meel marin waxa ay ugu xidhay Isgaadhsiinta dalkaasi.
Haatana xubno ku xidhay madaxtooyada Jabuuti ayaa guluf ugu jira sidii ay xilkaa u hanan lahaayeen.
SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com