|

Jabuuti oo ka dashay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Jabuuti August 14, 2024(QJ) -Dowladda Jabuuti ayaa quus ka muujisay in Turkiga uu dhexdhexaad ka noqon karo muranka badda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, ka soo ka dhashay isafgarad dhanka badda ah oo ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hoos u dhigay suurtagalnimada in dhex dhexaadinta Turkiga lagu xalin karayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Waxa uu soo jeediyay in xalka kaliya uu yahay in mid ka mid ah labada dal uu ka tanaasulo mowqifkiskiisa. Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in dowladda Jabuuti ay hayso xal qarsoodi ah oo lagu xalin karo khilaafka u dhaxeeya labada dal.

Jabuuti, oo hogaamisa urur goboleedka IGAD, ayaa horey ugu fashilantay isku dayo ay ku doonaysay inay labada dal isugu keento bilowgii khilaafka. Ma cadda in dhinacyada ay khusayso in ay aqbali doonaan xalka qarsoodiga ah ee ay Djibouti soo bandhigtay.

Hadalkan kasoo yeeray Jabuuti ayaa imaanaya kadib markii shalay ay dowladdaha Itoobiya iyo Soomaaliya ay wada-hadallo aan natiijo kasoo bixin ku dhex-maray dalka Turkiga, kaasoo qayb ka ahaa dhexdhexaadinta Turkiga.

Comments are closed