|

Jabuuti oo diyaar u ah dib u soo celinta xiriirkii dhawaa ee Somaliland

Jabuuti December 02, 2024(QJ) – Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Cali Xaamud Jibriil oo ay weheliyaan xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumer Geele. Madaxweynaha ayaa wafdiga ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada Jabuuti, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iyo sii xoojinta xiriirka labada dal.

Gabagabadii waxa halkaasi ka hadlay gudoomiye ku xigeenka Cali Xaamud oo madaxweynaha uga mahad naqay soo dhawaynta balaadhan ee uu u sameeyay weftiga. Kulanka ayaa ku soo idlaaday is afgarad iyo midnimo labada dal.

Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo ay kulan la yeesheen hoggaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Dileyta Maxamed Dileyta iyo Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Marwo Safiya. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka qotada dheer ee labada Baarlamaan iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Leave a Reply