Jabuuti oo Ciidamo dheeraad ah u diraysa Somalia kana hadlay Amaankooda
Jabuuti 17.July 2014 (SDN/QJ)- Dowladda Jabuuti oo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay inay ciidammo dheeraad ah ku darayso kuwii horee uga joogay Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa shaaciyay in 950-Askari ay u diri doonaan dhawaan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidanka kaga sugan gobolka Hiiraan ee qaybta ka ah AMISOM.
“Waxaan diyaarinay ciidammo dhawaan la geyn doono Soomaaliya, waxaana marka hore u diri doonnaa 450-Askari,laba bilood kaddibna waxaan u diraynaa 500 oo kale,” ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf.
Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu xusay in u-jeedddada ay u dirayaan ciidamadan ay tahay inay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo uu ku sheegay in ay dhibaato ku yihiin nabad ka dhalata Soomaaliya oo burbur ku jiray 23-sano oo xidhiidh ah.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“U-jeedada aan ciidamadan u dirayno waa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kuwa nabadda diiddan,waxaana ciidamadeenna iyo kuwa kale ee AMISOM ku amaanaynaa dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya ay nabad ku noqon lahayd,” .
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sheegay inay xoojinayaan ammaanka Jabuuti, kaddib weerar is-miidaamin ah oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab oo bishii May ka dhacay magaalada Jabuuti.
“Amniga Jabuuti waan ka adkeynaynaa sidii hore, cid walba oo aan saaxiib nahay waan la kaashanaynaa xogaha ku saabsan kooxda halista ah ee Al-shabaab,si aysan dhibaato kale uga geysan halkan,”.Ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf
Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay lixda dal ee Afrikaanka ah ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwasoo dowladda Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay kula jiro Xarakada Al-shabaab.
Jabuti SDN/QJ
contact@qurbejoog.com