|

JABHAD CUSUB ‘ NEW CALANCUS”

Waxa  lagu dhawaqay JABHAD loogu tallo galay in khal-khal lagu geliyo xasiloonida dalka. Shacbiga Somaliland  waxuu  u codeeyay distoor qeexaaya nidaamka dawladeed  iyo habka mucaaridnimo ee lagu dhaqmaayo.

Distoorku waa axdi qaran oo lagu hesheeyay, waxaanu ogolyahay 3 XISBI MUCAARID , iyo LABA GOLE  sharci-dejineed  oo xakameeya Xukuumadda. Waxii intaa dhaafsani  waa xaaraan iyo xad- gudub.

Sharciga waa loo siman yahay, qofna kama sareeyo. Xukuumadda waxa looga fadhiyaa inaanay qofna ku ixtiraamin waa “ HEBEL ” shacbigana waxa lagu baraarujinyayaa inay ka fiirsadaan ajandayaasha  qarsoon ee JABHADDA CUSUB.
Wa bilaahi towfeeq.
ALI IBRAHIM ‘ BAQDAADI” –TORONTO.

Comments are closed