Jaamacada SUTEK oo Deeq Raashin ah Gaadhsiiyay Xarunta Dhimirka ee Macruuf
Hargeysa April 25,2012(SDN)-Gudoomiyaha Jaamacada SUTEK Dr Siciid Sh.Maxamed ayaa Maanta Deeq raashin ah gudoonsiisay xarunta lagu daryeelo dadka maskaxda ka xannuunsanaya ee Macruuf ee Caasimada Hargaysa.
Deeqdan oo ka koobnayd Bariis,Digir, iyo Misir,waxaa Gudoonsiinteedii ka hadlay Gudoomiyaha Xarunta Macruuf C.raxmaan Maxamed Xasan oo ka waramay ahmiyada ay deeqdani u leedahay dadka xaruntan ay ku daryeelaan waxaanu xusay inay ka dabooli doonto baahi jirtay,Gudoomiyaha Xarunta Macruuf wuxuu u mahad naqay Gudoomiyaha Jaamacada SUTEK ee soo gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah isla markaana uu sheegay inaanay ahayn tii u horaysay ee uu soo gaadhsiiyo xaruntan .
Gudoomiyaha Xarunta Macruuf waxa uu ka dalbaday dadka hantida haysta inay il naxariis leh ku soo eegaan dadka ay ku daryeelaan xaruntan.
Gudoomiyaha Jaamacada SUTEK Dr Siciid Sh.Maxamed oo hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa tilmaamay sababaha ku kalifay inuu deeqdan kooban soo gaadhsiiyo xaruntan oo uu sheegay mid la xidhiidha arrimaha bani aadan-nimo iyo ka damqasho dad inala dhashay oo tabaalaysan isla markaana ay ku dhaceen xanuunada maskaxda .
SDN-Hargeysa