Jaamacada Hargeysa: Goob Muhiimadeeda koowaad tahay Dhaqaale urursi, Tayaynta waxbarashaduna ku yar tahay, W/Q: Sacad Muse Cabdi
Jaamacada Hargeysa ayaa ka mid ah goobaha ugu sareeya waxbarashada dalka, isla markaana ardeyda ugu tirada badan dhigato, iyada oo ay ka mid tahay Jaamacadaha dawliga ah ee dalka ka jira.
Jaamacadani ayaa waxa ay soo martay wakhtiyo kala duwan oo uu wakhti kastaaba waayihiisa lahaa, taasi oo markii la aas aasayey iska yaraayeen agabka iyo dhaqaalaha ay ku gudi karto waajibaadkeeda waxbarasho ee ay uga fadhiyaan ama ka sugayaan ardeyda dhigataa, waxaana wakhtiyadaasi kala duwan ee ay soo martay hogaanka jaamacada iyo dhamaan masuuliyiinteedu dedaal ugu jireen sidii loo horumarin lahaa, iyada oo wakhtiyada qaarna taageero balaadhan ka heshay qaybaha kala duwan ee bulshada haddii ay noqoto Xukuumadda, Hay’adaha iyo shirkadaha dalka.
Wakhti xaadirkan oo ay jaamacada ka qalin jabiyeeen Dufcadii 9-aad ee dhamaysata waxbarashada ay bixiso Jaamacadu, taasi oo ILAAHEY mahadii ah, iyada oo ardeyda tirada badan ee Jaamacada wakhtigan ka qalin jabiyey ay ku daba jiraan ardey kale oo iyaguna ka sii tiro badan ayaa hadana waxa jira caqabado badan oo hortaagan ardeydaasi, taasi oo keeni karta in ardeyda qaarkood uga hadhaan waxbarashada ay soo wateen mudada aadka u dheer ee sanadada ahayd, waxaana ka mid ah dhaqaalaha ay bixiyaan ardeyda dhigata jaamacada oo muhiimada koowaad la siiyo, iyada oo waxyaabaha ugu badan ee ay masuuliyiinta jaamacadu muhiimada saaraan tahay arintaasi, balse aanad ku arkayn cid muhiimada saaraysa qaybaha kale ee ay Jaamacadu u baahan tahay in la horumariyo sida muhiimada koowaad ee meesha loo yimid oo ah in la helo waxbarasho tayo leh maadaama oo ay goobtu tahay Jaamacad waxa loo baahan yahay in ay soo saarto Jaamaciyiintii dalka ee ku fikiri lahayd horumarinta Diintooda, Naftooda, Qoyskooda, Deegaankooda iyo Dalkoodaba, taasi oo marka la eego ardeyda jaamacada ka baxdaa ay badankoodu u arkaan in culays afar sano ah oo saarnaa uu ka dhacay, isla markaana dib ugu noqdaan qaarkood meelo aan u fiicnayn oo ay ka mid tahay in ay qayilaad bilaabaan halkii laga sugayey in ay naftooda anfacaan iyo ehelkooda, balse waxa ka qayb qaata in aan Jaamacada ay dhiganayeen afarta sano aanay wax badan ka duwanayn dugsigii Sare ee buuga inta laguu dhigo ka dibna fiiga lagu waydiinayey.
Masuuliyiinta iyo Hawl wadeenadu in ay dhaqaalo ay jaamacada kaga shaqeeyaan helaan in kasta oo ay lagaga maarmaan tahay, hadana maanta marka aad eegto waaqiciga ka taagan Jaamacada Hargeysa ama soo taxnaa wakhtiyadii ugu dambeeyey waa mid si weyn u dhaawacaya hor u socodka waxbarashada Ardeyda, taasi oo ay ka mid tahay iyaga oo aan markii hore haysan nidaam waxbarasho oo dhiirigalin leh hadana in dhaqaalaha muhiimad weyn ay jaamacadu saartay oo aanay tayayntii waxbarashada ka shaqayn, waxaana taasi ka markhaati kacaysa waxyaabo badan oo marka aad tagto ama dhigato Jaamacada Hargeysa ku arkayso, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in Guddoomiyihii hore ee Jaamacada Hargeysa waxyaabihii uu isku casilay oo ahayd markii la isku af garan waayey dhaqaalaha Jaamacada lagu maamulo ee ardeyda laga qaado, waxaanan sidoo kale xusuustaa maalin aan si weyn u xusuusanahay oo Jaamacada Hargeysa aan joogay ayaa waxa dhacay in Macalin ka mid ah Macalimiinta wakhtiyada dheer wax ka dhigayey imikana dhiga Dugsiyada Sare ee Dalka uu u yimid Masuuliyiinta dhaqaalaha u qaabislan Jaamacada Hargeysa isaga oo ka codsaday in ay fiiga ka sugaan laba maalmood maalintaasi oo ahayd baan filayaa haddii aanan khaldanayn Khamiis oo uu u sheegay in Jimcahana ka sugaan Sabtidana uu u keeno isla markaana inankiisa u ogolaadaan in uu Maalintaasi Imtixaanka galay, isaga oo ka cudur daartay in gobolada fog fog ee dalka uu Imtixaanaadka Macalimiinta ilaalinaysay ka mid ahaa, isla markaana uu dhaqaalaha u soo amaahan doono, maadaama oo aanay gaadhin xiligii la uu bisha qaadanayey balse ninkii ayaa ugu jawaabay in aanu ku aqbalayn, waxaanu macalinkaasi u sheegay in ardey badan uu soo saaray oo uu wax soo baray taasina lagu qadariyo isaga oo su’aal waydiiyey masuulkii ka tirsanaa Jaamacada oo ahayd adeer Inankana ha iga niyad jabinana ee ma waxaad doonaysan in uu waxbarashada ka hadho, markaasi ayuu ugu jawaabay anaga dhaqaalaha ayaa noo daran hadduu doono waxbarashada ha ka hadho hadalo u eeg, ka dib ninkii waalidiintii garab taagnaa oo dhan waxa ay sheegeen in ay kaga niyad jabeen wixii uu ugu jawaabay Macalinkaasi jaamacada iyo goobaha waxbarashada ku leh qadirinta iyo mudnaanta.
Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Jaamacada Hargeysa Dr. Cadbi Xuseen Gaas ayaa markii u horeysay ee uu Jaamacad xilkeeda la wareegay waxa uu muhiimada saaray dhinaca dhaqaalaha isaga oo go’aamiyey in wakhti yar oo aanay ardeyda badankoodu awoodin inay ku soo bixiyaan ay bixiyaan dhaqaalaha fiiga haddii kalena Lacag ganaaxa la dul saari doono, iyada oo sidoo kale markii u horeysay ee Guddoomiyuhu madal ka hadlay qodobkiisa u horeeyey kaasi ahaa, waxaanay ahayd maalintii ay dhawayd ee ay qalin jabinayeen ardeyda Jaamacada Hargeysa, isaga oo hadaladiisa ay ka mid ahaayeen “Madaxweyne waxa loo baahan yahay dhaqaale Jaamacada Hargeysa wax lagaga qabto”.
Isku soo wada duuboo Jaamacada Hargeysa ayaa baryahan dambe noqotay mid arrimaheedu noqdaan in ay muhiimada koowaad siiso dhaqaale iyo is jiid jiidad ka dhaxeeya masuuliyiinta, taasi oo marka aad wax waydiiso macalin ama masuul jaamacada ka tirsan uu kuu tilmaamayo masuul kale oo uu ku odhanayo odhanayo adeer kaasi u tag anigu arintan waxba ka garan maayee!
W/Q: Sacad Muse Cabdi
Email: sacad098@hotmail.com
Tell: 4409837