|

Jaalliyada Soomaalida Itoobiya oo lagu marti-qaaday Guriga cad ee Minnisota

Minnesota, 26, April 2012 (SDN)- Waxaa Guriga Cad ee Minnesiota(White House) oo lagu qabtay Kulan loogu magac daray maalinta Taageerada Waxbarashada Caruurta(Voice for Children Advocacy Day) oo inta badan lagu qabto Stateka Minnesiota lagu martiqaaday Jaalliyadda Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo matalaysay dhamaanba Jaaliyaadka ka jira Minnesiota.
Jaalliyadda Soomaalida Itoobiya ee lagu martiqaaday Minnesota State Capital ayaa waxaa hogaaminayay Gudoomiyaha Guurtida Somalida Ethiopia Cabdi-badal Axmed Shuuriye oo uu wehelinayay Aqoonyahan xuseen Abdirahman (Sayid xuseen). Sidoo kale waxaa wehelinayay qaar ka mida Masuuliyiinta jaaliyada iyo odoyaal dhaqameedka DDSI ee ku dhaqan Minnesiota, iyadoo Gudigan uu hogaaminayay Gudoomiye Shuuriye ay halkaas kula kulmeen Minnesota Governor Mr Mark Dayton iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal eeMinnesota (Minnesota house and senate). Waftigan ayaa kala hadlay Governor Dayton iyo xildhibaanadii muhiimada ayleedahay waxbarashada caruurta yaryar (Early Childhood Education) oo aay ubaahanyihiin in dowlada USA ka caawiso waxbarashada caruurta yar yay ee Somali immigrants,sidoo kalana caawiyaan Waxbarashada Caruurta DDSI. Waftiga jaaliyada Soomaalida itoobiya ee lagu Macsuumay Aqalka Minnesiota ayaa balanqaaday in eey lashaqayn doonaan dhamaan hayadaha lashaqeeya waxbarashada caruurta yar yar, iyadoo Xildhibaanada Minnesota ay aad usoo dhaweeysay waftigan kasocday Jaaliyada Somalida Ethiopia una balanqaaday ineey la shaqaynay doonaan Jaaliyada Somalida Ethiopia, islamarkaana caawin doonaan. Xildhibaanadan ayaa aad udaneenaysay in aay helaan codka Jaaliyada Somalida Ethiopia Doorashadan soo socoda, islamarkaana ka codsatay in ay siiyaan codkooda. Waftiga Jaaliyada Soomaalida Itoobiya ayaa u balanqaaday inay ku wacyi galin doonaan Dhamaanba Jaaliyada Somalida Ethiopia ee ku sugan Minnesiota in ay mideeyaan Codkooda si ay u noqdaan Jaaliyad isku duuban oo codkooda kaga badalan kara xildhibaankii fulin kara baahida Jaalliyada. Waa markii oogu horeysay ee Jaaliyada Somalida Ethiopia lagu marti qaado Minnesota State Capital iyagoo matalaya Somali Community in Minnesota, Waftiga ayaa ka faalooday in jaaliyada DDSI ay u taagan tahay sidii ay isu garab taagi lahayd Horumarka iyo Nabadgalyada DDSI,rabaana in Governorka iyo Dawladiisuba wax kala qabtaan gacan wayna ka gaystaan. Dhanka kale Jaaliyadda ayaa ka codsatay Governor Mark Dayton in uu siiyo balan uu kula kulmi doono dhamaanba Jaaliyadda Soomaalida Itoobiya ee ku dhaqan Minnesiota si ay si xeel dheer ugaga wada hadlaan Sii adkaynta Xidhiidhka Jaaliyadda iyo Dawlada USA islamarkaana Garab looga Siin lahaa Arimaha Horumarka iyo Nabadgalyada.
SDN, Minnisota

Comments are closed