Jaalle Madaxweyne Damaca Marwadaada iyo Sharciga Dalka Waa Iyama?
Berbera Sept 28,2013(SDN)-Duqii Degmeda Berbera C/shakuur Maxamed Xasan oo ka mid ahaa xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaciyay inuu haatan ku biiray xisbiga Kulmiye ka dib kolkii jeebka ay u buuxiyeen xubno ay ka mid tahay marwada madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Masuulkan oo shaqsiyan ay u furan tahay in uu ku biiro ka baxo xisbiga uu doono kuna biiro ka uu door biday ayaan hadana meel looga dhaafo waxaan jirin sharciyada iyo codadka uu ku fadhiyo Gollaha degaanka Berbera.
Hadii Xildhibaan doorasho ku fadhiyaahi uu damco in uu ka digo rogto Xisbiga uu ka tirsanaa waxa loo bahan yahay in la helo hab iyo hanaan loo maareeyo codadka shacabkii xisbigaa iyo xilka uu hayo u doortay.
Waana in laga fikiraa sharicyan khatarta arrinkani leeyahay ee aan la eegin hadba rabitaanka kuwa Madaxweyne dad kuugu dhaw.
C/shakuur Cidin waxa la gudbooneyd hadii Kulmiyenimadu ka dhab tahay in uu si madaxbanaan Gollaha Degaanka uga sii tirsanaado.
Amaba uu u fasaxo shacabkii soo doortay in ay cododkooda ka yeelaan sida ay kolkaa doorbidaan.
C/shkuur Cidin ayaa codadkii reer Berbera aduun uu ka qaatay xubno ay ka mid yihiin Marwada Madaxweynaha Iiyo Cali Xorore ugu wareejiyay xisbi aaney u codeyn.
Hadaba madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xukuumadiisa ma waxa loo idmaday in sharciga ay iyadu sida ay doonto ka yeesho,isla markaana ay awooda dawladeed u isticmaasho cid ale iyo ciidii aaney dooneyn ee ay ku eedeyso in ay sharciga ku xadgudbeyso.
Waa suaal jawaabteda shicibka reer Somaliland guud aah gaar ahaana reer Berbera u taal.
SDN-Berbera
contact@somalidiasporanews.com