|

Jaaliyadda Beesha Cayr ee Waqooyiga Ameerika oo Sameystay Hoggaan ay ku mideysan tahay(DAAWO SAWIRADA)-

Ottawa May21, 2012(SDN)-Waxaa galabnimadii jimcada oo ay taariikhdu aheyd Maajo 11,2012 ka billowday magaalada Ottawa ee caasimadda Canada, kulan si qurux badan loo soo agaasimay muddana  laga shaqeynayay oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka socday qurba joogta beesha Cayr ee dalalka Mareykanka iyo Canada. Shirkaas oo ahaa kii kowaad e ay ka soo wada qayb galaan ergooyin ka kala socda Canada iyo Mareykanka wuxuuna ka dhacay Hotelka weyn ee Les Suites Hotel oo ku yaal Magaalada Ottawa, Canada.

Shirwenaha ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan qaybaha ay jaaliyaddu ka kooban tahay sida Odayaasha dhaqanka, Culumida, Haweenka, dhallinyaro, waxgarad iyo  aqoonyahanno.

Ujeedada shirku waxay aheyd hirgelinta  shir sannadeedka xubnaha Jaaliyadda beesha Cayr ee Waqooyi Amerika  si loo qiimeyo wixii la soo qabtay, isla markaana looga wada hadlo  qorshaha wax qabadka labada  sano ee soo socda. Arrimaha  lagu lafo-guray shirka waxaa ka mid ahaa xaladda dhinacyada ilaalinta dhaqanka suuban, horukaca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo siyaasadda ee saameynaya gaar ahaan jaaliyadda beesha ee Waqooyiga Ameerika, iyo guud ahaan beesha Cayr dal iyo dibadba.

Waxay ergadu isla meel dhigeen in xoojinta midnimada beesha Cayr ay kaalin wax ku ool ah ka qaadan karto horumarka iyo horumarinta  dhammaan beelaha ay beesha Cayr bahwadaagga yihiin, beelaha ay dariska yihiin, iyo dhammaan beelaha Soomaaliyeed , dalka Soomaaliya iyo waliba iskaashiga caalamka.

Haddaba waxay ergooyinkii shirku isku raaceen in si  loo daboolo baahida dhinacyada kala duwan ee kor ku xusan,loogana soo dhalaalo kaalinta laga sugayo beesha, ayna lama huraan tahay in ay jaaliyadda waqooyiga Ameerika ee beeshu yeelato hoggaan ay ku  mideysan tahay, oo hadafkiisu yahay mideynta aragtida iyo wax qabadka beesha si loo xaqiijiyo ka miro dhalinta dadaalka loogu jiro isku

xirka Jaaliyadaha Soomaliyeed ee Waqooyiga Amerika, isla markaana door muuqda looga qaato nabadda, xasillonida, dib u heshiisinta iyo dib u dhiska dalka Soomaliya. 

Ugu danbeyn waxaa ergooyinkii shirka ka soo qayb galay ay sameeyeen gole ka kooban 31 xubnood oo isugu jira rag iyo dumar oo wakiillo ka ah jaaliyadaha beesha cayr ee Mareykanka iyo Canada. Waxaana guddigaas laga sii dhex doortay 9 xubnood oo guddi fulin ah.

Waxaa Guddoomiyaha golaha jaaliyadda Beesha Cayr ee Waqooyi Amerika loo doortay  Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Maalin (Ilkacase) oo deggan Canada, halka Marwo Raaxo H. warsame oo deggan Mareykanka  loo doortay Guddoomiye ku xigeen. 

Shirweynihii koowaad ee jaaliyadda cayr ee Waqooyiga America wuxuu farxad iyo rayn rayn ku soo gabogaboobay maalinimadii Axadda May 13,2012.,waxaana lagu heshiiyay in sannad ama labo sano gudahooda la isugu yimaado shir caadi ah.

SDN-Ottawa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed