Jaaliyadaha Somaliland ee Wadamada Yurub oo Banaan bax aqoonsi raadineed ka dhigay Caasimada Belgium {DHAGAYSO}
Brussels 11.April (SDN) Jaaliyadaha Somaliland ee Wadamada Yurub Sida Biljimka,Ingiriiska, Jarmalka,Faransiiska iyo dalal kale oo ka tirsan Yurub ayaa galabta ka dhigay Isu soo bax balaadhan Xarunta Midowga Yurub ee Burusliss.
Jaaliyadaha Somaliland ee isugu Yimid Xarunta Midowga Yurub ayaa ku soo bandhigay dareenkooda ku aadan Sida Madax banaanida Somaliland ay u tahay Mid aan Gorgortan Geli Karin isla markaana waxay beesha Caalamka ka dalbadeen inay aqoonsadaan Qaranimada Jamhuuriyadan Curdinka ah ee Somaliland,iyadoo lagu abaal mariyo wixii ay qabsatay Shacbi iyo Dawladba iyagoo isku duuban .
Jaaliyadahan isaga kala yimid Wadamada Yurub waxay u Gudbiyeen Madaxda Sare ee Baarlamanka Midowga Yurub Qoraal dheer oo Todoba Luuqadood ku qoran kaas oo ah Garnaqsiga Somaliland .
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay Banaan baxan u sameeyeen siddii ay Madaxda reer Yurub u tusi lahaayeen Dareenka Dhabta ah ee Ummada Somaliland ee ku Wajahan inay Dunida Dimuquraadiga ah ka helaan Xaqa aqoonsi ee ay Mudada dheer baadi goobka ugu Jireen.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/banaan.mp3″]
Brussels SDN.
qurbejoog.com