Jaaliyada West Midland iyo Safiirka Somaliland ee Britain oo ka wada arinsaday Wadada Ceerigaabo(SAWIRO)
Birmingham April 22,2014(SDN)-Jaliyada oo maanta la kulantay Safiirka Somaliland ee UK mudane Cali Aadan Cawaale kulankan oo ahaa mid uguba kaaso odayada iyo gudida wadada Ceerigaabo ee magalo madaxda labaad ee uk Birmingham kaga wada hadleen sidee loo dardar gelin lahaa arrimaha ay kamid yihiin 18 may 2014 iyo Qaadhaan ururintii wadada Ceerigaabo waxa kaloo la so hadal qaaday sidii ictiraafka somaliland loga shaqayn lahaa.
Odayada mus danbeedaka u ah Jaaliyada West Midlands Somaliland Communityiyo wax garadka kale ee ku dhaqan Birmingham ayaa Safiirka uga xalaa waramay magalada iyo nawaaxigeeda dadka reer Somaliland ee ku dhaqan iyo sida fiican ee ay isugu duuban yihiin.
Waxayna Safiirka kula dardarmeen in ay xidhiidh joogta ah yeeshan iskuna xidhnaadaan Jaliyada iyo Safaaradu qodobkaas oo Safiirku iyo reer Birminghamay hoosta ka xariiqay waxana halka lagu magacaabay laba xubnood oo xidhiidhka joogtada ah layeelan doonta Safiirka oday Cumar Cabdilaahi ahna gudoomiyaha odayada iyo xusseen baane xoghaynta Jaaliyada West Midlands somaliland community.
Mahad odhan Alle leh
west midlands somaliland community
Suldan/dhalinyarada s/land Hussein Baane
Birmingham,uk..