Jaaliyada Somaliland ee Germany oo ka qayb gashay Xaflad aad u balaadhan oo ay ka soo qayb galeenb 120 wadan
Germany 01.July (SDN) Jaalliyada Somaliland ee Wadanka Jarmalka ayaa Ka qayb galay xaflad aad u balaadhan oo ka dhacday wadankan jarmalka taas oo au ka qayb qaateen ilaa 120 wadan,Iyadoo Wadan kastaaba uu Halkaasi ku soo bandhigay Hidaha,Dhaqanka Astaamaha dalalkaas iyo Horumarada kala duwan ee ay sameeyeen.
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Germany Mohamed Husein Dhacsi Ayaa Sheegay in Iyagoo Matalaya Jamhuuriyada somaliland sitana calanka somaliland ay Halkaasi ku qaybiyeen qoraalo mihiima oo ka turjumaya qaranimada iyo madax banaanida Somaliland iyo wax qabadkii Ka Hirgalay Mudada 22kii sano ah ee Qarankani Jiray.
Gudoomiyuhu waxa uu intaas ku daray inay xafladan ka soo qayb galeen oo kale Madax ka socota dawlada Jarmalka Mas’uuliyiinta Xisbiyada Muxaafidka iyo kuwa Mucaaridka ah isla markaana ay u Gudbiyeen Qoraalo si faah faahsan uga waramaya Taariikhda Somaliland.
waxaa xafladan kasoo qayb galay madax kasa cota wadanka jarmalka xisbiyada mucaaridka iyo kuwa muxaafidka ee jarmalka oo aanu dhamaantood gaadhsiinay dhanbaalkayagii waxaanu ku boorinaynaa
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Germany Mohamed Husein Dhacsi Waxa uu ku booriyay Jaaliyadaha kale ee reer Somaliland inay Qarankooda uga faa’iideeyaan Fursad kasta oo Wax tar u leh dalka Somaliland iyo dadkiisa.
Germany SDN.
Qurbjoog.com