|

“Itoobiya waxay labo sano gudahood Biyo Saafi ah siin doontaa 12 malyuun oo ruux” Wasiirka Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya

Qaahira 16.July (SDN) Wargayska dalka Masar ee Youm Saabic ayaa badhtamihii todobaadkan waxa uu baahiyey faallo uu ka sameeyey warbixino uu ka soo xigtay wasiirka biyaha iyo Timirta ee dalka itoobiya Mr Mayho Tikno oo sheegay in Itoobiya ay biyo saafi ah oo la cabbi karo ay u diyaarisay dadweyne gaadhaya labo iyo Toban malyuun iyo badh inta lagu jiro mudada labada sano iyo badhka ah ee soo socota.

Wasiirka itoobiyaanka ahi waxa uu sheegay in talaabadani qayb ka tahay qorshaha shan sanadeedka ah ee horumarinta iyo dhaqaale abuurka ee dalkiisu dejistay . qorshaas oo dhigaya in labadiisa sano ee hore biyaha la gaadhsiiyo lix iyo Toban malyuun oo qof, dhamaadka shantaa sanadoodna ay ugu yaraan 52 malyuun oo qof heli doonaan biyo safi ah.

(( Biyaha la cabbo ee saafiga ah waxaa si isku mid ah loo wada gaadhsiin doonaa dadka  Itoobiyaanka ah ee biyahaa u baahan oo tiradoodu gaadhayso ilaa Lixdan iyo Kow Milyan oo qof oo isugu jira dadka kala duwan ee ku nool magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinkaba.)) sidaas waxaa wasiirka Itoobiyaanka ah ka soo xigtay wargayska Youm saabic ee dalka Masar.

Qaahira SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed