|

“Itoobiya Waa In Loo Caddeeyo In Mucaarid La Taageeraa Uu Mucaarid La Taageero Leeyahay, ..” Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray

Hargeysa Aug 30,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Md Cali Gurey oo ka waramay xaalada colaadeed ee Saaxdheer iyo dhawaaqa beesha caalamka ee ku wejahan degaanadaasi.

Md Cali Gurey ayaa si gaar ah ula hadlay dawlada dalka Itoobiya oo uu sheegay in taageero ay u fidiso mucaaridka Somaliland ay leedahay jawaab taageero oo loo muujiyo mucaaridka Itoobiya, qoraalka Md Cali Gurey ayaa sidan u dhignaa:

Ka soo baxa SAAXDHEER waa maamul goboleed Somalia ahe wax la qaadan karo maaha hadii Madaxwayne Silanyo aqbalo na waa KHIYAAMO QARAN( High Treason). Waxa aynu ummad ahaan xaq u leenahay Maraykan iyo Ingiriis iyo Qaramada Midoobay iyo cid kale midna in aynu uga tanaasulo maaha. Hadii xukuumaddu aqbasho ka soo bixitaanka Saaxdheer waxay taa micnaheedu tahay in aynaan xaq u lahayn hadii aynaan xaq u lahayna Laascaanoodna markaa xaq uma lihin ee ha laga soo saaro ciidamada miyaa.

Waxa muhiim ah mawqifka Itoobiya, hadii aanu farogelinba ahayn ee maamul goboleedka Khaatmo State ee Somalia in laga dhex dhiso Somaliland. Itoobiya waa in loo cadeeyo in mucaarid la taageeraa uu mucaarid la taageero leeyahay. Hadii nabadgelyada Somaliland wiiqantona ta Itoobiyana way wiiqmi xasiloonida Geeska Africa na way khalhkali doonta, taasina nabadiid mooyee nabadoon dan uma aha”.

Guddoomiyaha ku-xigeenka 3aad ee UCID ayaa bartiisa internetka ku baahiyay hadaldan adag ee ku wejahan degaanada Saaxdheer.

SDN/QJ-Hargeysa

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed