|

Itoobiya oo weli difaaceysa heshiiskii ay la gashay Muuse Biixi

Addis Ababa January 06, 2024 (QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa mar kale maanta ka difaacday heshiiska ay la gashay Somaliland mucaaradad xooggan oo kaga timid dowladda Federaalka Soomaaliya.
Somaliland ayaa heshiiskan ku tilmaantay mid 20 Km oo xeebta ka mid ah ay Itoobiya ka kiraysay muddo 50 sano ah, halka Itoobiyana ay ku andacoonayso in ay Somaliland aqoonsi siinayso.
Redwan Hussain, oo ah Lataliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali, ayaa la hadlay Warbaahinta Itoobiya (EBC), wuxuuna caddeeyay in “dhaleeceynta caalamiga ah” ee ka dhalatay heshiiska ay tahay “mid aan sax ahayn.”
Redwaan waxa uu difaacay go’aanka ay Itoobiya ku doonayso inay kula heshiiso Somaliland, waxaanu yidhi “In kasta oo aanay Somaliland aqoonsi buuxa haysan, haddana waxay hore heshiisyo ula gashay dalal kala duwan, heshiisyo horumarineed oo socda.
Wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii 2017 ee Itoobiya, shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay Dubai iyo maamulka dekedaha Somaliland ee la xiriiray maamulka dekedda Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, dawladda Soomaaliya ayaa ku tilmaantay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo u soo jeedisay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta inay shirar degdeg ah ka yeeshaan arrintan.

Comments are closed