|

Itoobiya oo sheegtay in Al Shabaab khatar ku tahay amiga Gobolka

Addis Ababa July 31, 2024(QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weli halis weyn ku yihiin ammaanka iyo xasilloonida dalkooda iyo guud ahaan Geeska Afrika, iyadoo ku nuux-nuuxsatay in ciidamadooda ay heegan buuxa ku jiraan si ay uga hortagaan falalka Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee fariisimaha ku leh xuduudaha iyo kuwa ku lugta leh howlgalka ATMIS ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqyada maleeshiyada Al-Shabaab.

Nebiyu Tedla ayaa ku amaanay ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka sida ay u yareeyeen qatarta Al-Shabaab balse waxa uu ka digay in kooxdaasi ay weli halis ku tahay amnigooda qaranka.

Wuxuu caddeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay iskaashi dhanka ammaanka ah la sameyso dalalka deriska ah, si loo yareeyo khatarta Al-Shabaab ay ku hayaan ammaanka Geeska Afrika.

Hadalka afhayeenka ayaa imaanaya iyadoo Itoobiya ay ciidamo aad u badan soo dhoobtay xudduudaha iyo qaar ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, kuwaasoo uu ku micneeyay inay qayb ka yihiin sugidda ammaanka ciidamadooda oo dhawaan ka bixi doona Soomaaliya.

Comments are closed