Itoobiya oo sheegtay in 60% Soomaaliya gacanta ku heyso
Addis Ababa March 10, 2024 (QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ciidamadeeda ay gacanta ku hayaan 60% dalka Soomaaliya, xilli xiisad weyn ay ka dhexeyso Soomaaliya, taasoo ka dhalatay heshiiskii badda ee Addis Ababa ay la gashay Somaliland.
General Birhanu Jula oo ah taliyaha ciidamada Itoobiya oo la hadlay warbaahinta EBC ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay 60% gacanta ku hayaan dhulka Soomaaliya, ayna ilaalinayaan nabada.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay naftooda u hurayaan nabad ka dhalata Soomaaliya, taasoo muujineysa in joogitaankooda uu sabab u ahaa in dowladda Soomaaliya ay fariisato Muqdisho.
“Haddii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya lama hubo in dowladda Soomaaliya ay ku sii sugnaan doonto magaalada Muqdisho” ayuu yiri Jeneral Birhanu Jula oo ku faanay doorka muuqda ee ay ciidamadoodu ku leeyihiin xaqiijinta nabadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay in maamulada ka jira dalka Soomaaliya ay si weyn ugu mahadcelinayaan joogitaanka iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamadooda.
Janaraal Birhanu ayaa sidoo kale ka digay in hadii ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya ay dhici karto in shacabka ay dhahaan “ma idiin sii raaci karnaa” isagoo taasi ku sababeeyay doorkooda ku aadan ilaalinta nabadda Soomaaliya.
“ Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waa dammaanad qaadka amniga Itoobiya iyo difaaca Soomaaliya ee Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Jeneraal Birhanu.