|

Itoobiya oo Safiir u soo magacaabay Hargeysa

Addis Ababa August 04, 2024(QJ)- Dowladda Itoobiya ayaa ergey u soo magacawday magaalada Hargeysa, si loo wanaajiyo xiriirka ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Federaalka Itoobiya.

Madaxtooyada Itoobiya ayaa xaflad u qabatay safiirro uu dhawaan Madaxweyne Sahlework Zewde u soo magacaabay inay u metelaan Itoobiya dalal kala duwan oo ay Somaliland ka mid tahay.

Teshome Shunde oo ah safiirka cusub ee Itoobiya u soo magacawday Somaliland oo ugu horayn ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Danjire Teshome Shunde, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya ay wadaagaan xuduud, isla markaana uu ka shaqayn doono sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, ganacsiga iyo is-dhaafsiga dhaqanka. Waxa kale oo uu ku nuux-nuux saday inuu u heellan yahay kor u qaadista xidhiidhka ka dhexeeya shucuubta Itoobiya iyo Somaliland.

Dawladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkan heshiis dhinaca badda ah la saxeexatay madaxweynaha Somaliland, kaas oo isu soo dhoweeyey Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana uu khilaaf ka dhex abuuray dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Comments are closed