|

Itoobiya oo ku adkeysaneysa dhaqangelinta Heshiiska Badda

Addis Ababa June 07, 2024(QJ) -Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Wershadaha Itoobiya Mr. Tarekegn Bululta, ayaa go’aanka ay dawladdiisu ku aqoonsatay Somaliland ku tilmaamay mid sax ah oo Itoobiya u sahlaysa inay gasho badda. War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa X ayuu Mr. Bululta ku sheegay in riyadii Itoobiya ay ku doonaysay in ay ku hesho marin badeed ay hadda rumowday.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday in go’aanka maamulka Addis Ababa uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland uu yahay mid haboon, waxa uuna bogaadiyay heshiiskii ay horay u wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa heshiis is afgarad ah la gaaray Madaxweynaha Somaliland, kaasi oo Itoobiya ay ku dooneyso inay ku hesho marin badeed ay leedahay Soomaaliya, iyadoo taa beddelkeedana aqoonsi siineysa maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga soo horjeesatay damaca Itoobiya ee ah in ay hesho qeybo ka mid ah badda Soomaaliya, waxaana ay qaaday tallaabooyin adag oo ay ku diidayso damaca Itoobiya.

Comments are closed