|

Itoobiya oo ka hadashay saamaynta xaaladda degdega ahi ku yeelatay Dalxiiska

Addis Ababa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):-Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiya waxaa goor dambe oo maalinimadii khamiista  lagu qabtay kulan lagaga hadlayey saamaynta ay xaalada degdega ah ee wadanka lagu soo rogay ku yeelatay  dalxiiska iyo dalxiisayaasha shisheeye ee dalku ku sugan.

dalxiiska-itoobiyaKulanka waxaa ka wada qaybgalay wasaaradda Dhaqanka iyo dalxiiska, isku duwayaasha dalxiiska ee qabanqaabiya safarada dalxiiska, waxana si qoto dheer loo eegay raadka ay xaalada degdega ahi ku yeelatay dhinaca dalxiiska iyo sidii loo badbaadin lahaa dalxiiska waddanka oo ka mid ah tiirarka dhaqaale ee dalkaasi leeyahay iyadoo la ilaalinayo ammaanka dalxiiska oo keeni kara in aanay hoos u dhicin tirada dalxiisayaasha ee Itoobiya yimaadda sanad walba.

Bayaan laga soo saaray kulankaasi oo ay baahisay Wakaalada wararka Itoobiya ee ENA waxa lagu sheegay in dalxiisayaashu ilaa hadda tegi karaan goob kasta oo dalxiis oo ay u baahan yihiin iyadoo fursado arimahaa u suurogelinaya laga siiyey dalxiisayaasha qodobada ay ka kooban tahay xaalada degdega ah ee wadanka lagu soo rogay. Halka sidoo kalena isla kulankaa lagu ballamay in lagu dadaalo sidii muuqaal wanaagsan looga muujin lahaa dalxiiska Itoobiya.

Ka qaybgalayaasha kulankaasi oo ay ka mid ahaayeen xitaa dadka qaabilsan inay dalxiisayaasha u horgalaan goobaha durugsan waxay isla dhaafi waayeen in xaalada degdega ahi tahay mid dalka oo dhan khusaysa isla markaana aanay suurogal u ahayn in goobo gaar ah laga qaado.

Gabadha madaxa ka ah wasaaradda Dalxiiska Caasha Maxamed Waxay kulankaa ka sheegtay in xaalada degdega ah ee wadanka lau soo rogay muujinayso in diblumaasiyiinta shisheeyuhu aanay u safri karin meel ka baxsan caasimada ilaa 40 KM, laakiin taa mid la mid ahi aanay saarnayn dalxiisayaasha caadiga ah.

Dhanka kalena Xeer Ilaaliyaha wadanka Itoobiya oo sharaxaad ka bixinayey xaalada degdega ah ee dalka lagu soo rogay waxa uu sheegay in aanay khusayn dadka dalxiisayaasha ah, kuwaas oo tegi kara goob kasta oo wadanka ka mid ah iyagoo aan dhaqdhaqaaqooda ku wargelinin Dawlada.

Comments are closed