|

Itoobiya oo ka hadashay Khilaafka badda iyo ATMIS

Addis Ababa August 16, 2024(QJ) -Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay sii wadi doonto dadaalkeeda diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo helitaanka marin baddeed, iyadoo ku nuuxnuuxsatay inay sahamin doonto dhammaan waddooyinka suurtagalka ah ee lagu heli karo laguna isticmaalikaro badda.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa yoolkan, isla markaana ay ka qaybgeli doonaan wejiga saddexaad ee wada-xaajoodka Ankara, isagoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin ka qaybgalka Turkiga .

Tedla waxa kale oo uu iftiimiyay inay lama huraan tahay in Itoobiya lagala tashado isbedel kasta oo lagu sameeyo hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya (ATMIS). Waxa uu carabka ku adkeeyay in Itoobiya ay hormuud ka tahay qorshayaashan, loona baahan yahay in la dhageysto, lana ixtiraamo.

Itoobiya waxay ku celisay inay ka go’an tahay inay wada-xaajood isku mar ah la gasho labada dhinac ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya (DFS) iyo fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland. Waxa ay si cad u sheegtay in aysan ka tagin Heshiiskii Is-afgaradka (MOU) ee ay la gashay Somaliland iyadoo ay sidoo kale wada hadal la galeysa DFS.

Dhowaan ayaa wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin hab dhaqanka Itoobiya oo uu ku tilmaamay in wixii aad awooddo xoog ku qaadato haddii loo baahdo. Wuxuu ku nuux-nuux saday in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda ka dhanka ah heshiiska Itoobiya iyo Somaliland.

Comments are closed