Itoobiya oo ka fiirsaneysa ka noqoshada heshiiskii Badda
NY (QJ) -Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa inay ka laabato qorshaheeda ay ku aqoonsanayso dawladda iskeed iskummagacawday ee Somaliland, sababo la xidhiidha walaaca beesha caalamku ka qabto inay uga sii darto xiisadaha gobolka, sida ay ku warameen ilo xog ogaal ah oo la hadlay Bloomberg.
Itoobiya oo aan bad lahayn, ayaa bishii January la gashay heshiis isafgarad ah, oo ay ku heleyso 20 km badda 50 sannadood oo ay ku bedeleneyso aqoonsiga Somalialnd.
Heshiiska ayaa dhaliyay dhaliilo iyo diidmo kaga imaanayay dalalka dariska ah, iyadoo Soomaaliya ay sheegtay inay difaaci doonto madax banaanideeda, iyadoo Masar iyo dalal kale ay ku booriyeen in feejignaan la muujiyo.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa todobaadkii hore wada hadalo ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay arrintan. Abiy waxa uu tilmaamay in uu ka fiirsanayo inuu ka laabto qodobbada muhiimka ah ee heshiiska si loo qaboojiyo xiisadda kala dhexeysa Somalia.
Saraakiisha Itoobiya waxay soo jeediyeen in laga yaabo in aqoonsiga Somaliland laga tanaasulo.
Ruto ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo booqasho ku tagay dalka Kenya, hxili uu sidoo kale dalkaa joogay Abiy.
Ruto ayaa wareysi uu siiyay Bloomberg bishii Janaayo ku sheegay in maamulkiisu uu isku dayayo inuu ku qanciyo Itoobiya inay tixgeliso xulashooyin kale oo ka baxsan dalabkeeda deked, inkastoo aan la ogeyn waxa ay yihiin.
Itoobiya ayaan si rasmi ah uga laaban heshiiskii ay la gashay Somaliland, iyadoo Abiy uu weli damacsan yahay inuu ka midho dhaliyo hadafkiisa ah inuu saldhig ku yeesho Badda Cas sida ay sheegeen gacanyarayaashiisa.
Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya 1991-kii ka dib dagaal sokeeye, ka dibna waxay raadinaysay aqoonsi caalami ah. Heshiiska Itoobiya lala galay ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo dhinacaas ah.
Dalalka deriska ah iyo qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha Itoobiya ee ugu waaweyn ayaa walaac ka muujiyay in heshiiska – oo ay Soomaaliya u aragto mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda – in uu colaad ka hurin karo gobolka oo muddo dheer la daalaa dhacayay xasillooni darro.