Itoobiya oo fashilisay weerar Al Shabaab damacsaneyd
Addis Ababa Oct0ber 03, 2023 (QJ) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay fashilisay weeraro qorsheysan oo Al-shabaab ay doonayeen in ay ku soo galaan dhulka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Doolo Cado ee ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda, Al-Shabaab ayaa damacsanaa weeraro ay ku doonayeen in ay gudaha ugu soo galaan degmada Doolow Caddo oo xuduud la leh Soomaaliya.
Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku dhigtay hub kala duwan iyo walxaha qarxa oo ay ku jiraan miinooyin iyo ku dhawaad 3,000 oo rasaas ah.
Sidoo kale, dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada ammaanku ay fashiliyeen qorshayaashii Al-shabaab, ayna kala shaqeynayaan laamaha ammaanka gobolka ee degmada Doolow, si loo sugo ammaanka dadka deegaanka.
Sanadkii 2022, Al-Shabaab ayaa weeraro xiriir ah ku qaaday deegaano ku yaala xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida. Weeraradan ayaa waxaa iska caabin kala kulmay ciidamada Liyuu Booliska dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo ciidamada Milatariga Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad maalmo qaatay.