|

Itoobiya oo dalbatay shir degdega oo IGAD isugu timaado

Addis Ababa January 31, 2024 (QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay urur goboleedka IGAD in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan madaxda IGAD si ay uga wada hadlaan xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Itoobiya, ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku boorisay dowladda Jabuuti oo hadda haya xilka madaxtinimo ee IGAD inay qabanqaabiso shir deg-deg ah oo ay ka qayb-galaan madaxda dalalka IGAD.
Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in shir madaxeedka IGAD ee soo socda uu fursad u siin doono xukuumadda Addis Ababa inay soo bandhigto xog dhammaystiran oo la xidhiidha heshiiskii ay Somaliland la gashay 1-dii bishan.
Waxaa la fahamsan yahay in hogaanka IGAD ay u badan tahay inuu aqbalo codsiga cusub ee uga yimid Itoobiya, inkastoo dowladda Itoobiya ay horey uga caga jiideysay ka qeyb galka shirar IGAD ay ku yeesheen Kampala, kaasoo looga hadlay muranka badda ee Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaan weli si buuxda uga jawaabin dalabka Itoobiya ee ku aadan shir madaxeedka IGAD oo deg deg ah, iyadoo horey shuruud uga dhigtay Itoobiya inay wadahadal toos ah ka gasho khilaafka taagan.

Comments are closed