|

Itoobiya oo dalacsiisay Wakiilkeedii Hargeysa

Hargeysa May 19, 2024 (QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa safiir buuxa u dalacsiisay wakiilkeedii magaalada Hargeysa ee jamhuuriyada iskeed isk magacawday ee Somaliland, inkastoo dowladda Soomaaliya ay horay u amartay in la xiro qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

Qunsulkii hore ee Itoobiya u fadhiyay Hargeysa ayaa la gaarsiiyay derajada safiirnimo, taas oo ka dhigan in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsatay maamul madaxbannaan.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde uu magacaabay 24 safiir, waxaana ka mid ahaa wakiilkii hore ee Itoobiya u joogay Somaliland oo hadda laga dhigay safiir buuxa.

diplomasiyiinta safiirnimada buuxda loo siiyey waxa ka mid ah Ambassador Delil Kedir Bushra oo hore u ahaa wakiil caadi ah oo u jooga magaalada Hargeysa ee caasimadda jamhuuriyada iskeed isu magacawday ee Somaliland.

Magacaabistan oo u muuqata mid ay Itoobiya ku aqoonsanayso Somaliland, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dawladda Soomaaliya hore u amartay in la xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Comments are closed