Itoobiya oo culeys caalemi ah uu ka soo wejahay heshiiskii ay la gashay
Addis Ababa January 15, 2024 (QJ) -Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in Addis Ababa ay wajahayso cawaaqib xumo caalami ah oo la xiriirta heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen, ayaa qiray cawaaqibka ka dhalan karta heshiiska. Hase yeeshee, waxa uu sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto fulinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.
Heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland, oo ay ku doonaysay in ay ku hesho deked ay ku bedelato aqoonsi madax-bannaani, waxa uu gobolka Geeska Afrika ka dhaliyay kacdoono diblomaasiyadeed. Soomaaliya waxay u aragtaa weerar lagu soo qaaday qaranimadeeda.
Midowga Yurub, Mareykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Masar, Sacuudiga iyo dalal kale ayaa dhamaantood ku baaqay in la ixtiraamo midnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaan digniin culus ka soo saaray heshiiskaasi, isagoo carabka ku adkeeyay in Somaliya ay ka difaaceyso qaranimadeeda cid kasta oo lagu soo xadgudbo.