|

Itoobiya oo aan marnaba joojin doonin rabatikeeda Badda Cas

Addis Ababa June 03, 2024 (QJ)-Machadka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa magaalada Addis Ababa ku qabtay shirkii labaad ee wadahadalka badda cas, kaas oo diiradda lagu saarayay baahida loo qabo iskaashiga gobolka ee badda cas.

Jaafar Bedru oo ah madaxa fulinta ee machadka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay muhiimada ay badda cas u leedahay Itoobiya. Waxa uu sheegay in Itoobiya aysan marnaba ka joojin doonin doonista ay ku dooneyso inay ku garto Badda Cas.

“Itoobiya iyo Badda Cas waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah, Itoobiya waligeed waxa ay halgan taariikhi ah u soo gashay sidii ay ku heli lahayd Badda Cas, waxana ay ku xidhan tahay jiritaankeena, dalalka aynu jaarka nahay waxa ka go’an in ay meesha ka saaraan sheegashadayada Badda Cas” ayuu yidhi. Jacfar Bedru.

Bedru oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku eedeeyay waxa uu ku sheegay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya in ay maleegayeen in Itoobiya laga saaro wada xaajoodyada badda cas.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa dooneysa inay fuliso heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland 1-dii bishii Janaayo ee sanadkan, kaasoo ku saabsan inay deked ku yeelato Badda Cas.

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortagtay damaca iyo rabitaanka Itoobiya ee ku aadan Badda Cas, iyadoo ku tilmaantay heshiiska mid meel ka dhac ku ah madax banaanida Soomaaliya.

Comments are closed