Itoobiya oo aan ka tanaasulin damaceedii baddaha Soomaaliya
Addis Ababa (QJ) – Itoobiya waxaa ka go’an inay sii waddo dadaalkeeda sharci iyo diblomaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo gelitaanka badda, ayuu yiri Nebiyou Tedla, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.
Sida ay qortay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, Nebiyou wuxuu uga mahadceliyay Turkiga fududeynta heshiiskii Ankara, kaasoo lagu xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Itoobiya ay si firfircoon uga qeyb qaadaneyso wadahadallo farsamo oo lagu qeexayo habka Soomaaliya ay Itoobiya ugu ogolaaneyso in ay hesho badda.
Nebiyou wuxuu sheegay in labada dal ay “horumar la taaban karo” ka sameeyeen xallinta khilaafkii ka dhashay heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland.
Heshiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland u ogolaanaya inay Itoobiya ka kirayso dhul xeebeed dhererkiisu yahay 20 km (12-mile) si ay saldhig ciidan uga samaysato iyo horumarinta dekedda. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madaxbannaanida Somaliland. Itoobiya, oo ay ku nool yihiin in ka badan 120 milyan, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan lahayn bad.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiskii Ankara, Itoobiya waxay si rasmi ah u aqoonsatay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, halka Soomaaliya ay ballan-qaadday inay Itoobiya siinayso marin-badeed.
“Labada dal waxay ku heshiiyeen inay si dhow uga wada shaqeeyaan dhamaystirka heshiisyada ganacsi ee faa’iidada u leh labada dhinac iyada oo loo marayo wada-xaajood laba geesood ah, oo ay ku jiraan qandaraasyo, heshiisyo, iyo habab kale oo Itoobiya u sahli kara marin badeed ammaan ah oo la isku hallayn karo oo ay maamusho Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Heshiiska Ankara ayaa lagu sheegay.
Heshiisku waxa kale oo uu dhigay wakhti la bilaabayo wada xaajoodyo farsamo ugu dambayn bisha February ee sanadka 2025-ka, kaas oo Turkigu fududeeyay, ujeedaduna tahay in heshiiska lagu dhameeyo afar bilood gudahood.