|

Itoobiya Iyo Kenya Oo Wada Galay Heshiis Ay Ka Kow Tahay Dhamaystirka Dhisida Dekeda LAMU


Nirobi 22-11-2012-(SDN) Labada Wadan ee jaarka ah Itoobiya iyo Kenya ayaa waxa dhexmaray heshiis iska kaashi kaasi oo dhanacyo badan taabanayaa sida ay tebisay warbaahinta Caalamku

Kulankan oo ay xalay ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ka dib markii uu kulanku dhamaaday waxa ay masuuliyiintani uga warameen warbaahinta kulankoodu waxyaabihii uu ku sabsanaa iyo qodobada ay isku af garteen.

Heshiiskan ayaa waxa ka mid ah in la sii xoojiyo xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada wadan iyo sidii loo dhamaystiri lahaa mashruuca takada Lamu oo itoobiya ay qayb ka tahay.

Ergada dalkan Kenya ayaa waxa heshiisyadan u saxiixay 12 wasiir oo ay wasaaradahooda qusayso heshisyadan.

Madaxweynaha Dalka Kenya oo ugu horeyn ka waramay kulankaasi iyo waxyaabihii ay isla soo qaadeen ayaa waxa uu sheegey in ay ka wada hadleen isaga iyo Raysal wasaaraha Itoobiya  sidii iskaashi buuxa uu u dhex mari lahaa labada dal isla markaana Soomaaliya Garab looga siin Lahaa Nabad Soo celinta.

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo isna dhankiisa ka waramay kulankan iyo waxyaabihii ay isku af garteen ayaa sheegay in Itoobiya diyaar u tahay iskaashi labadooda dhinac dhex mara iyo sidii geeska afrika loo nabadayn lahaa.

Qurbejoog.com Hargeysa

Comments are closed