Isu soo bax ujeedo badana oo maanta ka dhacay magaalada Hargeysa
Hargeysa Mar 16,2012(SDN)-Waxa maanta magaalada Hargeysa ka dhacay isu soobax ujeedo badana oo rabshadana watay oo socdey ilaa fiidkii caawa.
Dadka maanta isu soobaxa sameeyay yaa isugu jiray qaar ka cabanaya dhawr arimood oo isa saaran.
Dadka qaar ayaa maanta aaga Iddacada Hargeysa horteeda isu soobaxa kaga cabanayay dhul dhawaan ay dawlada Hoose ay ka dumisay.
Halka qaar kalena ay dadkaasi ka cabanayeen xadhigii dhawaanta loo geystay guddomiyihii gobolka Maroodijeex Xamarji ka dib kolkii lagu soo eedeeyay in uu lunsaday deeq dad masaakiin ah loo waday.
Waxa la maqlayay dhawaqa rasaasta ay ridayeen qaar ka mida ciidamada booliiska oo kal eryay dadka isu soo baxay.
Waxa jira dhaawac soo gaadhay ruux ka mida dadkii halkaa isugu soo baxay oo qaarkood gubayeen shaagag iyo waxyaabo kale
Dadka maanta halkaa dibedbaxa ka sameenayay ayaa qaadayay heeso iyo halku dhigyo xasaasi ah.
Heesta “Ninkii dhoof ku yimi bay geeridu dhibeysaa” taas oo ka yaabisay dadka reer Hargeysa.
Isweydiinta u badanina waxa ay aheyd cida dhoofka ku timi ee Hargeysa joogtaa?