Isu Socodka Gaadiidka ee Xuska 18 May oo la Joojiyay Maalintaas Saacado Cayiman {DHAGAYSO Wasiirka Arrimaha Gudaha}
Burco 16.May {SDN) Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur isla markaana ah Gudoomiyaha Gudida Heerka Qaran ee Xuska 18 May ee 22 Guurada ka soo Wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanida Somaliland oo ku sugan Magaalada Burco ayaa soo saaray Go’aamo ku Wajahan Xuska 18-ka May,iyadoo la xanibay Isu Socodka Gaadiidka laga Bilaabo 6 Subaxnimo ilaa 12-ka duhurnimo ee Maalinta Xuska 18 May oo Sabtida ku beegan.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Guduhu Waxaa kale oo uu Sheegay in Nabadgalyada Sugideeda ay tahay Tiirka Kowaad Waxaanu amarkan ku faray Ciidamada Amaanku inay Joojiyaan Isu Socodka Gaadiidka .
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Duurgoaamo(1).mp3″]
Burco SDN.
Qurbejoog.com