|

Istiraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga Xagjirnimada oo laga dooday

Muqdisho February 07, 2024 (QJ) -Kulan ujeedadiisu tahay soo bandhigista iyo falanqaynta Istiraatiijiyadda Qaran ee ka hortagga Xagjirnimada, ayna soo qaban qaabisay Hay’adda Tubsan ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka Istaraatiijiyadda La-dagaalanka Argagaxisada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Hay’adda Tubsan, Diblumaasiyiin Caalami ah, Wakiilo ka kala socday Hay’adaha kala duwan ee QM, ATMIS, iyo Mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha Hay’adda Tubsan C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyay ahmiyadda ay leedahay istaraatiijiyaddan ay soo bandhigtay ee lagula dagaalamayo afkaaraha xagjirnimada ee huriya qalalaasaha.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay safiirrada dalalka caalamka u jooga Soomaaliya, iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah, kuwaasoo taageera dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada, horumarinta nabadda iyo horumarinta deegaannada laga saaray Al-shabaab.

Comments are closed