|

Israel waxaa kaga dhintay dagaaladii Gaza 3,000 oo ruux oo 64 kamid ah ay yihiin askar Telefishanka Al Jazeera Iyo Hogaamiyaha Xamaas Siduu Xal u arko

Gaza 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Ururka wax iska caabinta reer Falastiin ee Xamaas,ayaa ka hadlay sida kaliya ee ay suuralgal u tahay in xal waara laga gaadho dagaalada ay yuhuudu ku hayso marinka Gaza.

 Khalid MishcalDagaallo muddo bil  ah ka socday magaalda Gaza oo ay ku dhinteen ugu yaraan 2000 kun oo ruux  oo reer falastiin ah isla markaana u badan dumar iyo carruur kuna dhaawcmeen ugu yaraan toban kun oo ruux oo reer falastiin ahi halka ay Yuhuuda kaga dhinteen illaa sadex boqor oo askar u badan.

Waxaa imika socda dedaallo ay waddo Qaramada midoobay oo la doonayo in la iskugu soo dhaweeyo dhiacyada dagalamaya.

 

Khaled Mishel oo kamid ah hogaanka  ururka wax iska caabinta ee Xamaas ayaa ka hadlay suurta-galnimada xal ka hirgala gobolka ,waxaana uu sheegay in Isreal ay doonaysay aargoosi ,taasi oo u xusay in ay u socon weyday  ka dib waraysi dheer oo arintan lagala yeeshay.

“Shacabkayagu waxa ay dalbanayaan wada-hadallo dhab oo damaanad qaadi kara dalabyadayada ,waxaan kaloo doonaynaa in nalaga dul-qaado cuna-qabtaynta mudada dheer soo socotay “ayuu yidhi Khaalid Mishcal oo ka hadlayay dadaallada socda.

“Dagaalkii dhacay ma ahayn mid annagu aan doorannay ,iyaga(Israaiil) ayaa nagu qasbay ,waxaanay ahayd gar-daro muuqata in ay daan-daansi nagu sameeyaan “ayuu  mar kale yidhi Misheel oo xusay in ay soo dhaweynayaan nabad ka dhalata gobolka oo dhan.

“Waxay arintan sababtay wixii ka dhacay Gaza laba bilood ka hor ,waxaa la beegsaday wax kasta oon lahayn sida dad aan waxba galabsan iyo waliba dhismayaashii ,waana difaacnay naftayada “ayuu hadalkiisa ku daray Mishel.

Ugu danbayn, Israel waxaa kaga dhintay dagaaladii Gaza 3,000 oo ruux oo  64 kamid ah ay yihiin askar sida lagu daabacay Al-jazeera.

Waxaana imika socda dedaallo  xal loogu raadinayo lagu soo afjaro mushkiladda ka taagan marinka Gaza oo ay wada wadaan Qaramada Midoobay iyo dalka Masar.

Laakiin wali waxaan a hayn cid xaaladan toos wax uga qabata oo dawladda Yuhuuda ku qasabta in ay cunaqabataynta ka qaado mainka Gaza ee ay ka go,doomisay dhan kasta iyadoo ay taasi noqonayso dagaalka Yuhuudu waa gardaro garab og.

Gaza SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed