|

Israa’il iyo Xamaas oo Si Wada jir ah u Ogolaaday Xabad Joojin Mudo Shan Saacadood oo Qudha Soconaysa Iyo Goodiga Israa’il

Gaza 17.July 2014 (SDN/QJ)- Israa’iil iyo Xamas ayaa aqbalay xabad joojin ku meel gaar ah oo muddo shan saacadood ah laga dhaqan gelinayo marinka Qaza. Israa’iil ayaa sheegtay in ay joojinayso duqeynta si loo fududeeyo dadaalada gargaarka iyo si dadka Qaza ay u helaan fursad ay ku heli karaan waxyaabaha daruuriga ah

qazaXubin ka tirsan ciidamada Israel ayaa u sheegay BBC in dagaalka la joojinaayo 10ka subaxnimo illaa 3da galabnimo waqtiga maxaliga ah ee halkaa si dadka Gaza ay u soo gataan waxyaabaha ay doonayaan.

Hamas ayaa horay u sheegtay inay diiday xabbad joojintii ay dowlada Masar soo jeedisay. Laakiin wasaarada arimaha dibada ee Masar ayaa sheegtay inaysan weli kooxda ka helin jawaab cad

Kooxda Falastiin ee Xamaas, ayaa si rasmi ah u diiday xabad joojin ay soo jeedisay Masar, si loogu soo afjaro duqeynta Israa’iil ay ka waddo Marinka Gaza muddada 9-ka maalmood ah.

Ku dhawaaqidda ayaa timid kaddib markii 4 carruur ah oo falastiiniyiin ah lagu dilay weerrarada cirka ee Israa’iil, xilli ay ku dheelayeen xeebta.

Israa’iil, ayaa xoojisay weerrarada ay ku hayso Marinka Gaza, xilli xubno badan oo ka tirsan dowladda ay ku baaqayaan in la qaado weerar dhulka ah.

Gaza SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Avigdor Lieberman, ayaa sheegay in duqeyn oo kaliya aanay yareyn karin handadaada gantaalada Xamaas.

Comments are closed