|

Israa’iil oo Saacado kadib Xili ay Ogolaatay Xabad Joojin hadana Dib u Bilowday Duqaymihii Qaza

Qaza 15.July 2014 (SDN/QJ)- Isra’iil ayaa dib u billawday duqeymaha Qaza, saacado kaddib markii ay oggolaatay hindisaha xabadjoojinta ee Qaza.

140715065613_gaza_building_plume_624x351_apUrurka Xamaas ee maammulo Qaza ayaa sheegay in uu aanu  aqoonsanayn hindisaha xabadjoojinta, waxaana uu  sii waday gantaallaha uu ku ridayo Isra’iil xitaa kaddib markii ay Isra’iil ku dhawaaqday xabadjoojinta.

Dowladda Isra’iil ayaa horey u oggolaatay heshiis xabbadjoojin oo ay soo bandhigtay Masar, balse garabka milateri ee Xamas ayaa ku gacanseydhay arrintaas.

Kulan ay yeesheen golaha wasiirrada Isra’iil ee ammaanka ayay ku sheegeen inay oggolaadeen heshiiska xabadjoojinta, balse waxay ka digeen inay sii wadi doonaan weerarrada haddii gantaallo laga soo rido dhanka Qaza.

Xamaas ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin xabadjoojin inta Isra’iil ay ka sii daynayso maxaabiista reer Falastiin, oo xayiraaddana laga qaadayo marinka Qaza.

Qorshahan waxaa ka mid ah in lasoo afjaro toddobaad qalalaaso ah iyo dagaalka, iyadoo xabad joojinta la doonayey inay dhaqan gasho saaka oo salaaso  ah.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa ku sheegay codsiga xabadjoojinta, kulan degdeg ah oo ay yeelanayeen ururka jaamacadda Carabta kaas oo ka dhacaya magaalada Qaahira.

Masar ayaa isku deyeysa inay dib boodhka uga jafto doorkeedii hore ee ahaa dhexdhexaadinta Isra’iil iyo Xamaas oo ay horey ugu eedeysay inay la jirto dhinac.

140707044133_benjamin_netanyahu_624x351_afpRa’iisalwasaaraha Isra’iil Benyamin Netanyahu

Waxaa lagu tilmaamaayaa inay qorshe muhiim ah tahay xabad joojinta oo daba socotay kaddib wadahadallo qaatay 48 saac oo ka dhacay magaalada Qaahira.

Labada dhinac (Isra’iil iyo Xamaas) ayaa la filaayaa inay la kulmaan xubno ka socdo dalka Masar, si looga hadlo heshiis xilli dheer ah oo la isugu soo dhaweynayo kala fogaanta hadda u dhexeysa.

Duqeymaha Isra’iil ay ku hayso Marinka Qaza waxaa ku dhintay dad ku dhaw 200 ruux, oo u badan rayid.

Comments are closed