|

Ismaandhaafkii China iyo Japan ee Jazirada Diaoyu oo sare u kacay

Jaban Feb 07,2013(SDN) Raysal wasaaraha wadanka Jabaanka ayaa ku tilmaamay go,aanka ay Shiinahu ku gaadheen in ay aalada Raadaarada  ay ku jiheeyaan maraakiibtooda baddau in ay tahay  talaabo khatar ah.

Raysal wasaare Shinzo Abe waxaa uu baarlamaanka dalkiisa u sheegay in arintaasi ay tahay mid horseedi karta xaalad aan la saadaalin Karin,
waxaanu Shiinaha ugu baaqay in ay is xakameeyaan.

Shilkan ayaa  toddobaadkii hore ka dhacay  meel u dhaw jasiirado ay labada dal ku muran san yihiin  oo ku yaala badda East China Sea, .
Wasaarada arimha dibada ee Shiinaha ayaa sheegtay  sheegtay in aaany ka warqabin falkaasi balse , hase ahaate Jabaanka looga baahan yahay inay  joojiyaan  wax ay ku tilmaameen hawlo sharci darro ah oo ay wadaan.

Afhayeenka wasaarada arimha dibada eee Shiinaha haweenayda  lagu magacaabo Hua Chunying, ayaa sheegtay  maalmahan dambe in ay
dayuurdaha  iyo maraakiibta Jabaanku ay si sharci daro ah ay ku soo galeen  biyaha Shiinha ee agagaarka jasiiradaha Diaoyu.

Shiinanahu hore ayuu dhawr jeer u ujeediyey hadalo kuwan oo kale ah,oo ay  Jabaanka ugu baaqayaan inay joojiyaan wax ay ku tilmaameen
Hawlo sharci daro ah.

SDN-Tokiyo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed