Ismaandhaaf ka Taagan Soo Xulista Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka,Madaxweyne Siilaanyo oo Dib u Wada Celiyay Xubnihii loo Soo Gudbiyay iyo Gudoomiye Saleebaan Gaal oo ka hor Yimid
Hargaysa 18.Sep 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md.Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal), ayaa maanta laba xunnood oo ka mid ahaa Komiishankii hore doorashooyinka ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland kala diray, mar kale u soo xulay inay ka mid noqdaan Komiishanka cusub ee hadda la samayn doono, iyadoo uu si rasmiya Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ugu gudbiyey Magacyada labadaas xubnood.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu dib u celiyey laba Xubnood oo ay Shir-guddoonka Golaha Guurtidu u soo magacaabeen Guddiga doorashooyinka Qaranka, kuwaasoo ah labadii Xubnood ee Guurtidu hore ugu magacawday Guddiga Doorashooyinka wakhtigoodu dhammaanayo ee hore, isla markaana soo qabtay laba doorasho.
Labadan xubnood oo ka mid ahaa toddobadii xubnood ee Komiishankii hore doorashooyinka oo magacyadoodu kala yihiin Cabdiraxmaan Dixood iyo Raabbi ayaa waxay ka mid ahaayeen Xubnihii sababay dhibaatadii ay keentay Goleyaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay sanadkii 2012-kii, taasoo keentay dhimasha Lix ruux iyo dhaawaca 33 qof oo reer Somaliland ah oo ka dhiidhiyey caddaalad-daradii iyo musuq-maasuqii ay sameeyeen Komishankaas hore.
Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo ku dhow dhow Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal),kuwaasoo tibaaxaya inuu maanta si riasmiya guddoomiyuhu uu xubnahan magacyadooda u gudbiyey Madaxweynaha, iyadoo si fiican looga dheregsan yahay musuq-maasuqii ay xubnahaasi ku kaceen iyo wax-is-daba marintii ay sameeyeen intii ay socotay doorashadii golayaasha deegaanku oo ahayd mid qas iyo jaha-wareer badan ka dhex abuurtay bulshada Somaliand, isla markaana khatar weyn gelisay ammnigii guud ee Somaliland ku naaloonaysay, waxaanay markii ugu horaysay si badheedh ah u dhaawaceen dimuquraadiyadii iyo sinaantii ay somaliand ku dhisnayd.
Waxay ila-wareedyadu intaas ku ladheen in Madaxweynuhu aad ugu adkaystay diidmadiisa iyo Guddoomiyaha Guurtiduna ku adkaystay dib u soo magacaabista labadaas Xubnood oo uu ku dooday inay Sharci tahay wax u diidayaana jirin, tahayna in Madaxweynuhu aqbalo, labadaas xubnood oo magacyadoodu kala yihiin Raabi Cabdi Maxamed iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed (Dixood).
Inkastoo ay toddobadii Xubnood Komishankii hore ee doorashooyinka Somaliland ee dhawaan Madaxweyne Siilaanyo kala diray ay ka sinaayeen musuq-maasuqa iyo caddaalad-darada muuqatay, haddana waxay labadaas Xubnood si gaara u qaabilsanaayeen keenista khadkii iyo waraaqihii lagu qabtay doorashadii deegaaanka.
Cabdiraxmaan Dixood waxa uu isagu soo iibiyey Waraaqihii isku wada ekaa ee khal-khalka iyo jaha-wareerka badan abuuray, waxaana la aaminsan yahay inay jirtay tiro ka badan intii loogu tallo-galay inuu keeno oo doorashooyinka lagu qabto, kuwaasoo isku wada Number ahaa oo kala saari kari waayey, waxaanay taasi ahayd waxyaabihii dhaliyey wax is-daba marinta iyo musuq-maasuqii soo ifbaxay, iyadoo uu maantana mar labaad Guddoomiyaha Guurtidu Magaciisa u gudbiyey Madaxweynaha.
Xubinta kale, waa Mr Raabbi oo isaguna dalka Chinnaha ka keenay Khadkii la marinaayey qofka codka dhiibta iyo kii uu isaga masaxaayey marka uu cadeeyo, taasina waa arrin miisaankeeda oo loogu tallo-galay in lagu khal-khal-geliyo nidaamkii doorashada, isla markaana isku dhac dadweyne uu ka yimaado, taasoo markii dambe dhacday oo dhimasho iyo dhaawac-ba keentay, balse markii dambe qof weliba uu samir qaatay.
Hase-yeeshee, warku waxa uu intaas ku daray in Guddoomiye Saleebaan iyo Madaxweyne Siilaanyo Xalay Qasriga Madaxtooyad ku yeesheen kulan foolka-fool ah oo ila-wareedyadusheegeen inay labada Masuul si adag ugaga wadahadleen dib-u-magacaabista labada Xubnood ee Guurtidu tahay inay soo magacaabaan ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo diidmada Madaxweynuhu diiday.
Arrinta la yaabka lihi waxay tahay maaddaama oo xubnahani ay ku fashilmeen inay qaranka u qabtaan doorasho xor iyo xalaal ah, isla markaana ay lahaayeen dhimashii iyo dhaawacii ay sababeen doorashooyinkii ay gacanta ku hayeen miyey habboon tahay in mar labaad dib loogu soo celiyo Komiishanka doorashooyinka qaranka?. Annagoon ka jawaabayn su’aashaas oo u dhaafayna cidda ay khusayso, ayaa waxa nagu maqaalo ah in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo uu qorshaynayo inuu dib u soo celiyo Xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka ee uu dhawaanta kala diray, haddiise taasi rumowdo waxay tahay iswaydiiintu maxay ka dhignayd kala dirridii hore ee Madaxweynuhu?
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu hore ugu celiyey oo uu diiday min hal xubin oo ay soo kala magacaabeen Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, kuwaasoo xubinta UCID magacaabay oo ah Cabdifataax Ibraahin Xaaji Xasan ka mid yahay toddobada Xubnood ee Guddiga doorashada ee wakhtogoodu dhammaanayo 29-ka bisha soo socota ee October ee sannadkan 2014-ka iyo Xubinta Xisbiga WADDANI magacaabay oo ahaa Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo isaguna dhawaan iska casilay Xoghayaha arrimaha dibedda ee WADDANI oo uu ahaa
Hargaysa SDN/QJ