|

Ismaaciil Buubaa Oo Farta Ku Fiiqay Dawlado Shisheeye Oo Faraha kula Jira Siyaasadda Somalia

Muqdisho:May,22,2014(SDN/QJ)-Siyaasiga caanka ah ee Somaliyeed, isla-markaana xilalka kala duwan ka soo qabtay Dawladihii kala dambeeyey ee Somalida Ismaaciil Hurre Buubaa, ayaa farta ku fiiqay inaanay Dawladda Somalia ee Maantu wali madax Bannaani haysanin.

buubaaSiyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo warbaahinta la Hadlay, ayaa sheegay inaanay wali muuqanin in waddanku qaatay federal, isla-markaana ay dawladdu wali leedahay astaamihii ku-meel-gaadhnimada.

Waxa uu sheegay ismaaciil Hurre Buubaa in Dawladda Soomaalia ay ku Hoos jirto Dawladdo kale oo aanay Adeegsanayn Awooddeeda Dastuuriga ah ee ay leedahay, isagoo soo jeediyey in Dawladdu si Habsi leh u adeegsato sharciyadda waddanka iyo madax-bannaanida.

“waxa timi dawlad distoor ku salaysan waana laga baxay marxaladdii ku-meel-gaadhka ahayd, laakiin waxad moodaa inaanu marin dariiqii hore ee lagu soo waday qaybo kala duwan ee waddanka ah oo Nairobi looga taliyo inaanay wali arrintaasi dhamaan, waxana  loo baahan yahay in dawladda dhexe culays saarto caalamka, shaqadeedana si hagaagsan u qabsato, waana inay muujisaa innay dawladdu tahay middii waddanka oo dhan.” Ayuu yidhi Ismaaciil Hurre Buubaa.

Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa walaac ka muujiyey in ay nusqaan iyo Hagrasho ka jirta tallaabooyinka ay dawladdu qaadayso, waxana uu ku adkaystay in umadda si daacad ah loogu shaqeeyo, isla-markaana ay Dawladdu la macaamisho Dunida kale si ay meesha uga Baxdo in cid kale ku dhiirato in talada ay gacan ku yeelato.

Dawladda Federalka Somalia oo haatan muddo xukunka Haysay, ayaa wali leh Qabyo badan oo dhinaca Awooddeeda ah, waxana Ay  Dawladaha Jaarku gacan muuqata ku leeyihiin Dhaqdhaqaaqyada kala duwan ee Dalka Gudihiisa  ka jira.

Maamulo cusub oo Somalia Gudaheeda laga sameeyey ayaa Sabab u noqday in dawlada jaarku ay si dadban siyaasadooda uga fuliyaan Somalia, waxana ay taasi walaac ku Haysaa Siyaasiyiin badan oo uu Ismaaciil Hurre Buubaa ka mid yahay.

SDN/QJ-

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed