Ismaaciil Buubaa iyo Cali Khaliif Galeyr oo hore isaga kaashaday burburkii Dawladii Carta oo mar kale isu baheystay burburka dawlada Soomaaliya
Muqdisho April 24,2013(SDN)-Waxa shalay mar qura saxaafada wada jir ah loogu arkay Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr iyo Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo afkaartooda ka dhiibanaya wadahadalo dhawaan dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.
Waxa markan markii ka horeysay ee labadan siyaasi wada jir saaxada siyaasada loogu arkay ay aheyd xiligii dawladii ku meel gaadhka aheyd ee Carta lagu soo dhisay ay dalka ka arimineysay.
Dawladaasi oo uu reysul wasaare ka ahaa Cali Khaliif ayaa waxa wasiirka arrimaha dibedeed ka ahaa Ismaciil Buubaa.
Dawladaas oo si xawli ah ku socotay ayaa waxa soo wejahay khilaaf dhexmaray labadan masuul oo aas aas u noqday fashil akhirkii ku yimi dawladii Carta.
Khilaafka oo ka dhashay deeq lacaga aheyd oo dawlada Sucuudigu siiyeen Soomaaliya oo uu xiligaasi soo qaaday Wasiirka arrimaha Dibeda Ismaaciil Buubaa.
Deeqdaa oo sida Buubaa xiligaa sheegay uu ku wareejiyay Madaxweynihii xiligaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.
Raiisul Wasaare Cali Khaliif oo xiligaa dalbaday in Lacagta isaga lagu wareejiyo ayaa arinkaa ka carooday deetana isku deyay in uu xilka ka qaado Ismaaciil Buubaa.
Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa xiligaa arinkaa ka gaws adeegay,waxaana halkaa ka biloowday burburkii dawladii Carta.
Akhirkiina waxa xilkii sidaa ku waayay kiyoo dalka safar shaqo uga maqan raiisul wasaare Cali Khaliif Galeyr.
Waana markii u horeysay ee ay labadan masuul si wada jir ah saxaafada u hor yimaadaan ama madal ku kulmaan mudo haatan ku siman 13 sanadood.
Labada siyaasi Cali Khaliif Galeyr iyo Ismaciil Buubaa ayaa hadal heyntooda ugu badan ee reer Muqdisho waxa ay aheyd in haatan ay mar kale u midoobeen burburinta heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com