Islamiyiinta Syria oo mid ka mida askartooda ku khaldamay madaxana ka jaray
Aleppo Nov 15,2013(SDN)-Islaamiyiinta dalka Syria ka dagaalama ee magacooda loo soo gaabiyo ISIS ayaa raali gelin ka bixiyay in akurka ka jareen mid ka mida dagaalyahanadooda oo ay ku khaldameen.
Maxamed Fares oo ka mid ahaa dagaalahanada ka soo horjrrda ciidamada Bashar Al Asad ayaa ku dhaawacmay dagaalo kharar oo maalmihii u danbeeyay ka socday magaalada ganacsi ee Aleppo.
Mucaaridka Islamiyiinta ayaa ka dibna uu gacanta u galay waxaana la maqlay kiyoo ku halqabsanaya laba ka mida Shuyuukhda Madhabta Shiicada,ka dibna waxa loo qaatay in uu ka mkid yahay dagaalyahano Ciraaq ka yimi oo taageera Xukuumada Syria.
Muqaal ay shaaciyeen Islaamiiinta ISIS ayaa laga daawaday shaashadaha Internetka iyaga oo kor u haya madaxa Maxamed Fares.
Midawga mucaaridka Syria ayaa falkan canbaareeyay kuna tilmaamay bahalnimo aan loo baahneyn in cidna lagula dhaqmo.
Mucaaridka Syria ayaa haatan dhexdooda ka dagaalamaya isla markaana dagaal kula jira xukuumada Bashar Al Asad.
SDN-Aleppo
contact@somalidiasporanews.com