|

Islaamiyiinta Al-shabaab Oo Shaaciyey Xubin Lagu Eedeeyey Inuu Ku Lug lahaa Dilka Saraakiil Duqayno Looga Dilay

Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay soo bandhigtay Muuqaalka sargaal sare oo katirsanaa Kooxdaasi ,kaa oo lagu dilay Duqeyn ay Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Dalka Mareykanka ay la beegsadeen.

kataaSargaalkan Duqeynta lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabduqaadir oo sidookale loo yaqaanay Sahal Isku Dhuuq iyo Camow, waxaana sargaalkan duqeyn diyaaradeed lagu dilay dhamaadka bishii Janaayo ee sanadii 2014-ka.

Baardheere:Mar,18,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Al-Shabaab, ayaa soo bandhigtay  Muuqaalka nin lagu magacaabo Maxamed Cumar Kheyre oo Al-Shabaab ay ku eedeeyeen in uu wax ka abaabulay duqeynta ay Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka ku dileen Sargaalka katirsanaa Al-Shabaab.

Ninkan Al-Shabaab soo bandhigeen kuna eedeeyeen in uu wax ka abaabulay Weerarkaasi ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii uu ka ogaa weerarkaasi, waxa uuna tilmaamay in Weerarkaasi uu qorshihiisu lahaa Xildhibaan hore uga tirsanaa Dowlada kana mid ah Siyaasiyiinta laga yaqaano Gobolada Baay iyo Bakool.

Sidoo kale waxa ay kooxdu markii ugu horraysay Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay soo bandhigtay Muuqaalka sargaalka Duqaynta lagaga dilay oo aan hore loo arki jirin.

Sargaalkan Duqeynta lagu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Cabduqaadir oo sidookale loo yaqaanay Sahal Isku Dhuuq iyo Camow, waxaana sargaalkan duqeyn diyaaradeed lagu dilay dhamaadka bishii Janaayo ee sanadii 2014-ka.

Sahal Isku Dhuuq ayaa la dilay Xili uu gaadhi ku safrayay waxaana la dhintay Darawalkiisa, Sargaalkan oo kamid ahaa raga sare ee Xarakada Al-Shabaab ayaa kooxdu wali cadeyn xilka uu ka dhax hayay Kooxdaasi balse waxa ay tilmaameen in uu ahaa hogaamiye sare.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed