|

Islaamiyiinta Al-shabaab Oo Madaafiic Iskaga Difaacay Diyaarado Hawlo Basaasnimo ah Ka Waday Xeryo ay Lahaayeen

Baardheere:Mar,17,2015(SDN/QJ)-Sida ay  sheegayaan wararka naga soo gaadhay deegaanka Baardheere ee Gudaha dalka Somalia, Kooxaha Al-shabaab, ayaa qoryaha lidka Diyaaradaha ku weeraray Diyaarado Dul heehaabayey Goobaha ay Kooxahaasi deggen yihiin.

degeWarku waxa uu intaas ku darayaa in diyaaradahaasi doonayey iay sawirro ka qaataan Xeryaha Kooxda Shabaabku deggen yihiin, waxase arrintaas madaafiic kaga hortegay ururkaas, iyadoo khasaaraha halkaas ka dhacay aanay cidi ogayn.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku u dabaaldegeen Waxyeello ay sheegeen inay gaadhsiiyeen midkamid ah diyaaradihii dushooda duulayey, kadib markii ay ku ganeen Hubka lidka diyaaradaha ah.

Xaalada Dagmada Baardheere ayaa ah mid cirka isku shareertay,waxaana jira in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay guud ahaan gudaha Magaalada Baardheere iska ururiyeen ay xeryahooda ku ururiyeen ciidamadooda,mana jiraan cid ka tirsan Ciidamada Al-Shabaab oo xiligan joogta gudaha Magaalada Baardheere.

Sida ay noo sheegeen dadka Deegaanka Diyaaradahan ayaa lamid ah diyaaradihii hore sawirada uga qaadi jiray deegaanka,isla markaan Diyaarada Sawir qaada ay ka danbayn jireen diyaarado nooca wax duqeeya ah,oo xiliga ay Sawirka qaado wax yar kadib ay dhici jireen duqaymo loo gaysto Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed