ISKU SHANDHAYN XAQ AH AYAAN FILANAYE MAXAA KA SO BAXAY MADAXTOYADA !!!
runtii hore ayay u haboonayd inuu madaxwayne ahmed silanyo aw u sameeyo isku shaandhayn hufan o golihiisa wasiirada ku saabsan lakin waxay so jiitantoba saaka ayay dhacday rag badana way galaafatay rag badana way ka farxisay
se markad u fiirsato shaqada dawlada waxaad fahmaysa inay si qaldan u shaqaynayso o halkii looga baahna in la saxo ayaa la dhaafaya o meel saxan aya la qaldaya taasina waxay luminaysa kalsoonida shacabku aw ku qabo dawlada talada wadanka haysa
waxaa aad lo hadal haya saaka ilama maanta gude iyo dibadba habkay isku shaandhayntu u dhacday o dad badan ay dhaliilayan ama ay aaminsanyiin in aan talaabadan si dhab ah looga baaran dagin ama laguba dagdagay
sida dad badan oon ka mid ahay ay qabaan waxaa xilkii aw qarankaba u hayay laga qaaday wasiirkii maaliyada mudane mahamed haashi elmi kaas oo runtii si wayn uga shaqeeyay mudadii koobnayd ee aw aha wasiirul maaliyaha aha
runti sida aynu la wada soconay mr mohamed hashi waxa aw ugu tagay wasaarada maaliyada iyadoo khasnadeheedu haawanayso o la moodo in la fadhataystay shilin kumuu jirin hadana mudo kooban gudeheed ayuu buuxiyay khasnadihii o aw shaqaalihii lacag u kordhiyay may ahayn xirfad iyo farsamo aw kuwii hore kaga duwana awgeed ayuu ku dhisay wasaarada maaliyada ee waxaan odhan kara waxa aw xafiday oo aw ilaaliyay xoolihii la lunsan jiray ee xukuumada ama shacbi waynaha somaliland
waajib kumay ahayn in laga eryo bilaa sabab xilkii aw qaranka u hayay
pointkaasi mid saxan ayuu aha se waa la qalday
waxaa ka soo hor jeeda oo qaldana o u baahna in hore wax looga qabto ama eryis istaahilaayay wasiirka wasaarada arimaha dibada oo runtii aan u lahayn khibrad iyo caqli aw ku maamulo siyaasada arimaha dibada dhamaan caalamka inta aw xidhiidhka la sameeyaana aw kala soo guryo noqda gacmo madhan iyo rajo aan waxba ka jirin intaas oo dhalilod o iskugu tagtayna ku darsaday musuqmaasuq oo la wada ogyahay inta xafiis somaliland lahayd ee ka furnayd caalamka e u xidhantay musuqmaasuqa aw ku samaynayo hantida qaranka awgeed qiyaas malaha inta aw safar walba oo aw ku soo dalxiisayo aduunka dacaladiisa kharashka ku baxa ee waxbayahay aw kala soo noqdo ama aanu ka midho dhalin
waxaynu u soo joognay agaasimihii wasaarada maaliyada ee hore isku casilay iyo sirtii waynayd ee aw fashiliyay taas oo aw ka damqaday hantida qaranka ee sifaha sharci darada ah lagu lunsanayo hadalkii aw sheegayay oo dhami run ayay ahayeen
wax laga qabtayna ma jirto in wax laga qaban doonona ma rajaynayo wayo ? waxaad mooda in dadka aan faidada lahayn lagu uruurinayo xilalka xasaasiga ah ee qaranka
tasi qalad ayay ahayd oo lama saxin ee qaladkeedi aya lagu dhaafay
cabdi casiis mohamed samale ayaa yimid A/ aziz runtii wax xumaan ah kama sheegayo waa nin wadaad ah waa nin iiman ku filan eebe siiyay lakin xil ayuu qaranka u hayay xilkan loo magacaabayna in aw illaahay ku asturo ayaan u rajaynaya waa xil culus o muhiim ah dalabaad badanina kolay waxay uga iman doonan madaxtooyada dalabaadka hadii aw fuliyo cabdilaziz wuu sii fadhiyi se hadii aw sidii ina xaashi xaqa miciinsado oo manta wa aduunye aakhiradiisa aw u tudho xukuumada iyo xilkeediiba banaankaas cad ayuu ka mari .
boobe yuusuf ducale runti wa nin muwaadin ah oo mudo dheer kasoo shaqaynayay horumarka somaliland waa shakhsi daacad ka ah waxyaabo badan oo duleeyay dadkeena aad ayaan u soo dhawaynaya mudane boobe yuusuf ducale
cali siciid raygal madaxwaynaha talaabadaas waan ku taageersanahay oo qalad aw saxay ayay noqotay hore ayaa loogu baahna in lo qaado talaabadas waanan ku hanbalyaynaya madaxwaynaha .
isku so wada duubo muhimadu wa intaas aan kor ku so xusay
waxa kale oo aanu ka codsanayna madaxwaynaha in aw talaabo ka qaado labada wasiir ee madaxtooyada iyo arimaha dibada
horta waabay is dhaamane kan madaxtooyadu ha iskaga hor xidhnaado madaxtooyada ee arimaha dibadu waa muhiim waana shaqsiyada kobad ee caalamka hor tagaysa marka waxaa haboon in lagu badalo nin aqoon u leh siyaasada arimaha dibada o iib gayn kara qadiyada somaliland
allaa mahad leh
yaxye askar
yaxyem@hotmail.com
saudi arebia