Isku-shaandhayn Ballaadhan Oo Xalay Lagu Sameeyey Golaha Wasiirrada DDS Ethiopia
Jigjiga:Aug,02,2014(SDN/QJ)-Fadhi ay Xalay Yeesheen Capinet-ka DDS Ethiopia oo uu Shirguddoominayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa isku shaandhayn Ballaadhan loogu Sameeyey Golaha Wasiirrada ee Deegaankaas.
Xukuumadda DDS ayaa lagu soo kordhiyey Wasiirro cusub, halka qaar hore xilal u hayeyna loo Beddelay Goobo kale oo ka Tirsan Isla-maamulka DDS.
Isku-shaandhaynta ayaa sidatan u dhacday:
1-Cabdi Geedi oo ahaa Gud Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga
2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)
3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada
4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha
5-Yaasiin Cumar oo ahaa ku-xigeenka Dakhliga, waxa uu noqday kuxigeenka Beeraha
6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday ku-xigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada
7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha
8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha
9- C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI
10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada deg raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga
11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday ku-xigeenka Dakhliga
12- Wacays Maxamed oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic
13-ilyaas abiib oo ahaa ku-xigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca maamulka Maaliyada
14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada
15-Guleed Muxumed hore u ahaa ku-xigeenka waxbarashada, waxa uu noqday ku-xigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha
16- axmed maxamed shukri oo ahaa lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha wuxuu noqday ku-xigeenka waxabarashada
17-Bashiir axmed xaashi oo agaasin Xafiiska Hor,Rermiyiga iyo Xoolodhaqata ahaa waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka
18-Irshaad Cali Nuur oo ahaa agaasinka Wakaalada cabashooyinka wuxuu noqday ku-xigeenka cadaalada
19-Inj.Subeer C/lahi axmed Chief Pratacolka maamulka waxa uu noqday madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah
20-amiin Daahir oo ahaa Dabagalka Maamulka wuxuu noqday lataliyaha wakaalada Warbaahinta
21-C/kuus c/laahi saleebaan oo ahaa ku-xigeenka Maamulka Xukuumada wuxuu noqday lataliyaha madaxwaynaha Dhanka Xidhiidhka dadwaynaha
22-Cali ugaas cabdi oo ahaa ku-xigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka
23-Faarax jaamac oo hore u haan jiray gudoomiyaha Gobolka Afdher waxaa uu Noqday ku-xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska
24- c/risaaq dayib oo ahaa xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda wuxuu noqday ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta
Gobolada:-
1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuu noqday gudoomiyaha Gobolka shabeele
2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer
3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.
Isku-dhaandhayntan ayaa timi kadib markii uu madaxweynuhu dhawr bilood ka hor sameeyey isku-shaandhayn tan oo kale ah, taas oo lagu dardar gelinayo hannaanka Maamul ee Deegaankaas.
SDN/QJ