|

Isku-dhufashadii Wasiir Cukuse ee Guddoomiye Faysal iyo Wasiir Garaad iyo is-dabaqabadkii Guddoomiyaha

Hargeysa Feb 18,2014(SDN)-Kulan shalay ka dhacay Hotel Mansoor oo abaal marino lagu guddoosiinayay afar ka mida suxuufiyiinta Somaliland ayaa waxa fooda isku daray Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Somaliland Md Maxamuud Axmed Barre Garaad iyo Guddoomiyaha Xisbiga UICD Md Faysal Cali Waraabe.

Waxa sidoo kale isna halkaa ku sugnaa wasiirka warfaafinta Somaliland Md Cabdilaahi Cukuse oo sida ay goobjoogeyaali sheegeen in uu labada masuul isagu isku dhuftay.

Wasiir Cukuse oo kolkii u goobta yimi aa xitaa salaamin Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah aayaa la dareemay sababta oo kulanka uga qeybgalay.

Guddoomiye Faysal oo hadalka ku horeeyay ka dib ayaa Wasiir Cukuse amar ku siiyay Wasiir Garaad in u u Jawaabo isla markaana la arkayay liyoo u yeedhinaya jawaabta uu siin doono Guddoomiyaha UCID.

Maah-maah u muuqatay caga jugleyn u muuqatay iyo ereyo qalafsan ka dib Guddoomiyaha UCID ayaa caro is heyn waayay oo u jawaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa kolkii loo sharaxay dhegerta uu u maleegay Wasiirka Warfaafinta waxa uu raali gelin siiyay Wasiir Maxamuud Garaad.

Si kastaba ha ahaatee Wasiir Cukuse oo intii hore ka meer meeri jiray Guddoomiyaha UCID ayaa haatan u muuqda in uu daan-daansi ku hayo Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Waxaase iska cad halka aflagaado dhexmarta Eng Faysal Cali Waarbe iyo Cabdulaahi Cukuse halka ay ku danbeyn kareyso.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed