|

Isku Dhacyo U dhexeeya booliska iyo Mudaharadayaal oo ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga

Istanbul June 5, 2013 (SDN)— Isku dhacyo u dhexeeya Booliska iyo Mudaharaadayaal ayaa xalay ka dhacay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kaddib markii ay dad mudaharaadayaal ay dhagax ku tuureen dhismayaal booliska ay ilaalo ka hayeen.

Booliska ayaa adeegsaday Gaaska indhaha ka ilmeysiiya iyo Qasabadaha biyaha tuura si mudaharadaashaya ka soo horjeda dowladda Turkiga ay u kala ceyriyaan.

Isku dhacyadan ayaa imaanaya waqti yar kaddib markii Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Turkiga Bulent Arinc uu raaligalin ka bixiyay falkii boolisku ay sameeyeen Todobaadkan bilawgiisii.

Mr Arinc ayaa sheegay in ay aheyd qaab qaldan sidii ay Ciidamada booliska ula dhaqmeen dadkii ku suganaa fagaaraha Taksim todobaadkan bilawgiisii, waxaana lagu wadaa Ra’iisul wasaare ku-xigeenka in uu la kulmo dhaq-dhaqaaqayaal ka tirsan dibad baxyaasha.

SDN-Istanbul 

Comments are closed