|

Isku Daygii Dil Ee Loo Geystay Maxamed Kaahin Oo Shacabku Si weyn u Hadal Hayaan iyo Sababta Loo Nisbaynayo

Hargeysa:10-Nov-2013(SDN)-Caasimadda Somaliland iyo Gobollada kale ee Dalkaba waxa si weyn Looga Hadal Hayaa, isku Daygii Di lee Maalintii shalay lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed Oo Xisbiga Kulmiye Guddoomiye-ku-xigeen ka ah.

 

Maxamed-Kaahin-aaIsku  Daygaas Dil oo uu ka Badbaaday Guddoomiye Maxamed Kaahin, ayaa geli waayey maskaxda dadka badan oo reer Somaliland, maadaama uu Maxamed kaahin ahaa Mujaahid dalka magac ku leh, islamarkaana ka soo jeeda Xisbiga Talada Maanta haya ee Kulmiye.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ganayn dadka sida rasmiga ah ugu dambeeyey dhacdadan iyo waliba meesha laga raacay mujaahidka ee uu ka galabsaday Godobta gaadhay in qudhiisa goynteeda la Go’aamiyo, ayey Haddana dadweynuhu ka bixinayaan aragtiyo kala duwan.

Arrinta ugu suurtogal san ee shacabka Hadal Hayaan ayaa ah in mujaahidka laga qaniinay Tallaabo uu ayaamo ka hor qaaday Guddoomiye Muuse  markii uu dhisayey Guddida muranka dhalisay ee Qabanqaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye.

 

Arrintan ayaa la sheegay inay ka dhalatay markii uu Guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii dhacay ee Dalsan iscaaciil Aadan cismaan uu Soo Gudbiyey Xuno uu ku jiro Magac uu Guddoomiye Muuse Biixi ku Tilmaamay inuu Ahaa Faqash Caan ah oo aan Mutaysan in magaciisa loo keeno, taas oo markii hore soo maray Gacanta Mujaahid maxamed kaahin, balse markii dambe la gaadhsiiyey Muuse Biixi.

Inkasta oo sida la sheegay uu maxamed kaahin qabtay magacaas oo aanu isagu wax aqoon ah u lahayn, haddana waxa magacii soo celiyey Muuse Biixi oo ku tilmaamay nin ku foognaa la dagaalka raggii uu muuse ka midka ahaa  halganka galay, waxana uu maxamed kaahin ku amray inuu magacaas oo uu ugu yeeshay faqash uu ku celiyo ninkii soo gudbiyey, iyadoo uu ina Kaahinna si fudud ismaaciil yare oo ahaa ninkii magacan keenay uu si Fudud ugu yidhi, “waxad ii keentay nin faqash ahi sidee bay wax u jiraan, iga qabo magacan waa nin faqashtii ahaaye”.

Ismaaciil aadan cismaan ayaa isagu soo Beddelay magacii lagu soo celiyey, warkiina waa is gaadhay oo shakhsigii lagu sheegay inaanu  u cuntamin xubinnimada xisbigana waa looga warramay sida ay wax u dhaceen, waxana la sheegayaa in kooxdii shalay weerarka geysatay ay walaalo ahaayeen ninka Muuse Biixi iyo mamaxed kaahin isku waafaqeen  celintiisa.

Arrinta biyo kama dhibcaanka ah ee laga raacay muj. Maxamed kaahin ayaa noqotay Godobtaas uu muuse Biixi soo jiiday ee uu isaguna afkiisa kaga dhawaaqay ee uu sida fudud ugu raacay.

Shacabka ayaa haatan si aad ah u hadal haya oo ka walaacsan Ammaanka Caasimadda Hargeysa, waxana ay is weydiinayaan in Mar Haddii Haldoorkii Bulshada sidaas fudud loo toogan karo, waxa laga filan karo dadka kale ee shacabka ah.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed